Digniin & walaac laga muujiyey xirnaanshaha dekedda iyo suuqyada Boosaaso

Iyada oo ay xiran yihiin suuqyada ganacsiga iyo dekadda magaalada Boosaaso ayaa waxaa arintaasi si weyn uga hadlay Dalladda Ururrada Bulshada Rayidka ah ee Puntland (PUNSAA) oo sheegay in arrintaas oo saameyn ballaaran ku yeelatay dhaqaalaha iyo nolosha bulshada.

Bayaan ay soo saartay PUNSAA ayaa lagu sheegay in suuqyada ganacsiga Boosaaso ay galeen maalintii 3-aad oo xiriir ah oo ay xiran yihiin, halka Dekedda magaaladane ay gashay maalintii 14-aad.

Sidoo kale, Dalladdu waxay ku dooday in xaaladdan ay carqalad ku noqotay dhaqdhaqaaqii ganacsiga, shaqooyinka iyo ilihii dhaqaale ee ay ku tiirsanaayeen kumannaan qoys, iyadoo saameynta ugu weyn ay ku dhacday dadka danyarta ah iyo kuwa ku nool dakhliga maalinlaha ah.

PUNSAA ayaa ka digtay in haddii xaaladdu sii socoto ay horseedi karto koror ku yimaada suuqyada oo sababi kara sicir-bararka, yaraanta badeecadaha muhiimka ah iyo culays dhaqaale oo sii saameeya shacabka Puntland.

Dalladdu waxay ugu baaqday xukuumadda Puntland, ganacsatada, maamulka Dekedda Boosaaso iyo dhammaan dhinacyada ay khusayso arrintan inay mudnaanta siiyaan danta guud, isla markaana si degdeg ah uga wada shaqeeyaan xal waara oo lagu soo afjarayo khilaafka, laguna soo celinayo shaqadii caadiga ahayd ee dekedda iyo ganacsiga magaalada.

Dhanka kale, wada-hadallo shalay dhex maray Puntland iyo ganacsatada ayaa ku soo dhammaaday natiijo la’aan, kadib markii labada dhinac ay isku fahmi waayeen khidmadaha iyo canshuuraha cusub ee lagu soo rogay adeegyada Dekedda Boosaaso.

Ganacsatada ayaa si adag uga soo horjeestay khidmadaha cusub, iyagoo ku tilmaamay culays dhaqaale oo dheeraad ah, halka Puntland ay ku doodday in lacagahaasi yihiin kuwo sharci ah oo loogu talagalay horumarinta dekedda isla markaana hore looga heshiiyay.

Xirnaanshaha Dekedda Boosaaso iyo suuqyada magaalada ayaa durba saameyn ku yeeshay shacabka ku nool Puntland iyo deegaanno kale oo ku tiirsan badeecadaha ka soo dega dekedda, iyadoo wararku sheegayaan in qiimaha maciishadda daruuriga ah uu sare u kacay maalmihii u dambeeyay.

Boosaaso ayaa ah xarunta ganacsiga Puntland iyo mid ka mid ah dekedaha ugu muhiimsan Soomaaliya, waxaana laga cabsi qabaa in haddii xal degdeg ah la waayo uu khilaafkani dhaawac weyn gaarsiiyo dhaqaalaha gobolka iyo silsiladaha sahayda ee ku xiran dekedda.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed