Faahfaahin ka soo baxaysa xirnaasha in ka badan 10 maalin ee Dekedda Boosaaso

Dhaqdhaqaaqii ganacsi ee Dekedda weyn ee Boosaaso ayaa istaagsan maalintii 12-aad oo xiriir ah, kadib markii ganacsatada gobolka Bari ay sii wadeen shaqo joojinta iyo diidmadooda ku aaddan khidmadaha cusub ee lagu soo rogay adeegyada dekedda.

suuqyada magaalada ayaa iyagane la soo wariyey inay xiran yihiin dhowr maalin, iyadoo inta badan goobaha ganacsiga ay xirmeen.

Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland iyo guddi la sheegay inay iska soo xuleen ganacsatada wax kala soo dega Dekedda Boosaaso ayaa maanta kulan ku yeeshay xarunta gobolka Bari si xal loogu raadiyo khilaafka. Hase yeeshee, wararka ayaa sheegaya in wada-hadalladu ay ku dhammaadeen is-afgaran-waa, kadib markii labada dhinac isku fahmi waayeen hirgelinta khidmadaha cusub.

Ganacsatada ayaa ku adkeysatay inay diidaan canshuuraha iyo khidmadaha cusub, iyagoo sheegay inay culays dhaqaale oo weyn ku tahay bulshada, halka mas’uuliyiinta Puntland ay ku doodeen in la hirgeliyo nidaamka cusub. Inkastoo aan heshiis la gaarin, labada dhinac ayaa isku afgartay in wada-hadallada la sii wado iyo kulamo kale oo dambe.

Khilaafka ayaa salka ku haya canshuuro cusub oo ay soo rogtay Wasaaradda Dekedaha Puntland iyo shirkadda maamusha Dekadda ee DP World. Ganacsatada ayaa ku eedeeyay shirkadda inay si weyn u kordhisay khidmadaha dekedda, iyagoo sheegay in kororkaasi uu dhaawacayo dhaqaalaha Puntland.

Sida xogaha la helay ay muujinayaan, markab sida 9,500 metric ton ayaa hadda laga qaadaya lacag dhan 102,840 doollar, halka uu hore u bixin jiray 20,475 doollar, taas oo ka dhigan koror ka badan 400%.

Sidoo kale, khidmadaha laga qaado doonyaha xamuulka ayaa la sheegay inay kordheen in ka badan 200 boqolkiiba.

Ganacsatada ayaa sidoo kale sheegay in canshuuraha cusub ay saameyn ku yeesheen badeecadaha daruuriga ah, sida baastada iyo raashinka kale, arrintaas oo ay ka dhasheen cabsi ku saabsan sare u kaca qiimaha maciishadda.

Waxay sidoo kale ku eedeeyeen shirkadda DP World inay tan iyo markii ay la wareegtay maamulka dekedda aysan soo kordhin horumar muuqda, balse ay diiradda saartay kordhinta khidmadaha, taas oo ay sheegeen inay halis gelin karto mustaqbalka Dekedda Boosaaso, isla markaana ganacsatada ku qasbi karto inay u wareegaan Dekedda Berbera.

Ilaa iyo hadda, Puntland ayaan si rasmi ah uga hadlin sababaha loo kordhiyay khidmadaha dekedda, mana jiro heshiis rasmi ah oo laga gaaray khilaafka.

Dekedda Boosaaso ayaa ah halbowlaha ganacsiga Puntland iyo mid ka mid ah dekedaha ugu muhiimsan Soomaaliya, waxaana laga digayaa in haddii hakadkan uu sii socdo uu saameyn weyn ku yeesho silsiladaha sahayda, ganacsiga iyo nolosha shacabka ku tiirsan dekedda.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed