Sida ay sheegtay wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, Ciidanka Kumaandooska Danab oo kaashanaya kuwa Jubbaland,ayaa waaberigii maanta howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyay deegaanka Baqdaad ee hoostaga degmada Badhaadhe ee gobolka Jubbada Hoose ku beegsaday fariisimo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Alshabaab.
Sida lagu sheegay war saxaafadeedka Wasaaradda ka soo baxay, howlgalka ayaa lagu dilay 2 horjooge iyo 14 xubnood oo kale oo ka tirsanaa Al-Shabaab. Waxaa sidoo kale ciidamada u suuragashay sida la tilmaamay inay nolol ku qabtaan laba horjooge oo ka tirsan kooxda, kuwaas oo lagu hayo baaritaanno.
Intii uu socday howlgalka, Danab ayaa gacanta ku dhigay hub iyo qalab ciidan oo la sheegay in Alshabaab u adeegsan jireen fulinta weerarro iyo kuwo amni-darro oo ka dhan ah shacabka.
Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sheegay in howlgalka uu qeyb ka yahay dadaallada lagu ciribtirayo Alshabaab, isagoo xusay in ay sii wadi doonaan howlgallada ka socda deegaannada ay weli ku sugan yihiin kooxda si loo xaqiijiyo amniga iyo xasilloonida dalka.
HBN ONLINE TV

