Xiriirka Kubadda Cagta ee Kuwait ayaa casuumaad rasmi ah u fidiyay garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan si uu u dhex-dhexaadiyo ciyaarta kama dambaysta ah ee Horyaalka Zain Premier League, taas oo dhex mari doonta kooxaha Kuwait SC iyo Qadsia SC 29-ka Juun 2026.
Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed ayaa aqbalay casuumaaddaas, isagoo uga mahadceliyay Xiriirka Kubadda Cagta Kuwait tallaabada uu qaaday, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ay soo saareen.
Kulankan ayaa lagu caleema saari doonaa kooxda Kuwait SC oo ku guuleysatay Horyaalka Zain Premier League xilli ciyaareedka 2025/2026.
Cumar Cartan ayaa hore loogu celiyay garoonka diyaaradaha ee Miami International Airport ee dalka Mareykanka, xilli uu u safrayay inuu ku biiro garsoorayaasha Koobka Adduunka, kadib markii ay soo xulatay FIFA.
Sidoo kale, UEFA ayaa ku casuuntay Cumar Cartan inuu garsooro ciyaarta Final-ka UEFA Super Cup ee dhex mari doonta PSG iyo Aston Villa, taas oo la ciyaari doono 12-ka Agoosto.
HBN ONLINE TV

