FIFA oo u balanqaad muhiim ah u sameysay garsoore Cumar Cartan

Garsooraha Soomaaliyeed ee Cumar Cabdulqaadir Cartan, oo loo diiday inuu galo dalka Mareykanka si uu uga garsooro tartanka ciyaaro ka mid ah Koobka Adduunka, ayaa heli doona dhammaan lacagtii uu ku qaadan lahaa tartamadaasi.

Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegay in inkastoo Cartan uusan wax door ah ka qaadan doonin Koobka Adduunka, haddana FIFA ay ballanqaadday inay si buuxda u siin doonto mushaharkiisii iyo xuquuqdiisii dhaqaale ee tartanka.

Garsoorayaasha ayaan hore loo sii ogeysiin lacagta saxda ah ee ay ku qaadanayaan garsooridda Koobka Adduunka, maadaama lacagtaas la bixiyo marka tartanku soo dhammaado.

Tani ayaa timid kadib markii adduun si weyn dad ciyaaraha taageera iyo dalkiisa Soomaaliya kaga xumaadeen go’aanka maamulka Trump ee socdaalka Soomaalida lagu beegsanayo.

Dhanka kale, Xiriirka kubadda cagta ee UEFA ayaa 11-kii bishaan Juun shaaciyay in garsoore Cumar Cartan uu dhex-dhexaadin kulanka Paris Saint-Germain (PSG) iyo Aston Villa ee Super Cup, kaas oo ka dhici doona 12-ka bisha August ee sanadkan 2026 dalka Austria.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed