Aadan Madoobe oo la wareegay Xilka Hoggaamiyaha maamulka Koofur Galbeed, iyada oo ay jiraan dignino iyo hanjabaad ka soo yeereysa Mucaaradka

Hoggaamiyaha cusub ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), ayaa maanta si rasmi ah xilka ula wareegay, kadib markii uu ku guuleystay doorashadii ka dhacday magaalada Baydhabo, isaga oo helay 88 cod. Tani waxaa loo xil wareegis la dedejiyey.

Munaasabad ka dhacday xarunta Madaxtooyada Koonfur Galbeed ayuu xilka kala wareegay hoggaamiyihii ku-meel-gaarka ahaa, Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi oo ah ra’isal wasaare ku xigeenka labaad ee Soomaaliya. Xafladda xil wareejinta waxaa ka qeyb galay masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, maamulka Koonfur Galbeed, siyaasiyiin, odayaal dhaqameed iyo marti sharaf kale.

Jibriil wuxuu ku wareejiyay hoggaamiyaha cusub dukumiintiyada iyo masuuliyadaha xafiiska, isaga oo dhankiisa, Aadan Madoobe ballanqaaday inuu mudnaan siin doono nabadda, horumarka iyo dowlad-dhiska maamulka. Waa shaqsigii ugu horeeyey ee qaadanaya magaca hogggaame, marka loo eego madaxda maamullada dalka oo loogu yeero madaxweyne.

Xil la wareegistan ayaa kusoo aadeysa xilli ay jiraan dooddo iyo muranno siyaasadeed oo ku saabsan habraacii doorashada Koonfur Galbeed, iyadoo qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ay hore uga horyimaadeen geeddi-socodka doorashada. Sidoo kale, arrintan ayaa qayb ka ah doodaha siyaasadeed ee ka taagan dalka ee la xiriira doorashooyinka heer federaal iyo heer dowlad-goboleed.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed