Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa lagu wadaa inuu maanta gaaro magaalada Jowhar, sida ay xaqiijisay warbaahinta dowladda Soomaaliya.
Garoonka diyaaradaha ee Jowhar ayaa si weyn loogu diyaariyey soo dhaweynta Madaxweynaha, iyadoo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka iyo maamulka Hirshabelle ay halkaasi ku sugan yihiin si ay uga qeyb qaataan munaasabadda soo dhaweynta.
Wararka ayaa sheegaya in safarka Xasan Sheekh uu la xiriiro qorsheyaal horumarineed oo maamulka Hirshabeelle uu doonayo inuu ka daahfuro magaalada Jowhar, kuwaas oo qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo adeegyada iyo mashaariicda horumarinta gobolka.
Sacadihii u dambeeyay, waxaa magaalada Jowhar soo gaaray wafuud kala duwan oo ka kala socota dowladda iyo hay’ado kale, kuwaas oo ka qeyb geli doona munaasabadaha iyo qorshayaasha Hirshabeelle ka wado xarunta maamulka.
Waxaa la filayaa in Madaxweynaha uu kulamo la yeesho mas’uuliyiinta maamulka Hirshabeelle iyo qeybaha bulshada inta uu ku sugan yahay Jowhar.
Isha ku haay HBN ONLINE TV

