Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa wax laga xumaado ku tilmaamtay go’aanka ay mas’uuliyiinta Mareykanka ku diideen gelitaanka garsooraha caalamiga ah ee Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan.
War saxaafadeed ka soo baxay wasaradda ayaa lagu sheegay in Cartan oo loo aqoonsaday garsoorihii CAF ee sanadka 2025 isla markaana lagu tilmaamay mid ka mid ah shaqsiyaadka ugu guulaha badan dhinaca ciyaaraha Soomaaliya, uu yahay astaan sharaf qaran iyo il dhiirrigelin u ah dhalinyarada Soomaaliyeed.
Dowladda Soomaaliya ayaa xustay in ay sameysay dadaallo diblomaasiyadeed oo lagu taageerayo safarka MCartan, hase yeeshee dadaalladaas aysan keenin natiijo lagu qanco.
Wasaaraddu waxay intaa ku dartay in Mr. Cartan uu si nabad ah ugu soo laabtay dalka, isla markaana uu sii wadi doono waajibaadkiisa qaran iyo kan caalamiga ah isagoo adeegsanaya isla heerkii xirfadeed ee uu ku caan baxay.
Sidoo kale, wasaaraddu waxay mahadcelin u dirtay dalalka walaalaha ah, hay’adaha, iyo shakhsiyaadka muujiyay taageerada iyo garab istaagga muddada arrintan ay socotay.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay sii wadi doonto wadashaqeynta ay la leedahay saaxiibada caalamiga ah si loo helo faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan arrintan, loona ilaaliyo karaamada iyo xuquuqda muwaadiniinteeda.
“Ku soo dhowow guriga, Cumar Cabdulqaadir Cartan. Shacabka Soomaaliyeed waxay ku faanayaan guulahaaga,” ayaa lagu soo gabagabeeyay war-saxaafadeedka.
HBN ONLINE TV

