Mucaaradka KGS oo doorashada Baydhabo ee Aadan Madoobe si weyn kaga hor yimid

Qaar ka mid ah Siyaasiyiinta Mucaaradka ah ee koonfur galbeed oo ka falceliyey doorashada maanta ka dhacday magaalada Baydhabo ee lagu soo doortay aadan Madoobe ayaa sheegay  in ay tahay “mid aan waafaqsanayn”  sharciga dalka, iyaga oo dood ka keenay sharciyadda iyo hufnaanta habka loo maamulayo doorashooyinka.

Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo ka hadlay doorashada Baydhabo ayaa Sheegay in uu yahay madaxweynaha rasmi ah ee Koonfur Galbeed oo ku yimid sida uu hadalka habraac sharci ah iyo heshiis siyaasadeed oo horey loo gaaray.

“Sida aan horeyba u sheegnay waxa maanta Baydhabo ka dhacay ee Doorasho ku sheega ah waxay horseedi kartaa caqabado hor leh. Shacabka Koonfur Galbeed waxaan u sheegaynaa in ay difaacdaan qadiyadooda, Dhulkooda iyo calankooda, isla markana aysan noqon shaybaar wax lagu tijaabiyo ee mustaqbalkiina siyaasaseed iyo kan Dowladeedba waxaa uu ku jiraa in aad kasoo horjeesataan aadna u midowdaan dulaanka qaawan ee Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday Xasan Shiikh Maxamuud kusoo qaaday DKGS asagoo isticmaalaaya dad danaystiyaal ah oo u bartay in ay ka ganacsadaan dhiiga Shacabkooda” ayuu ku dooday madaxweyne hore Laftagareen.

Sida oo kale, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo soo noqday guddoomiyihii hore ee golaha shacabka ayaa si adag kaga hor yimid habka dowladu wax u wato, isaga oo dhaliilo adag u jeediyey madaxweyne Xasan Sheekh.

“Arrintan maanta ka dhacday Baydhabo waa mid aan waafaqsanayn dastuurka iyo qawaaniinta dalka, taas oo dhalinaysa su’aalo culus oo ku saabsan sharciyadda iyo hufnaanta habka loo maamulayo doorashooyinka” ayuu yiri Maxamed Mursal.

Ilaa hadda, hay’addaha dowladda Soomaaliya kama falcelin eedeymaha dhinacyada mucaradka Koonfur galbeed oo hadda iyagu si weyn u diidan qaabka doorasho ee ka dhacay deegaanada maamulkaasi.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed