Turkiga oo Soomaaliya u magacaabay Safiir cusub iyadoo ay socdaan isbeddello diblomaasiyadeed

Turkiga oo Soomaaliya u magacaabay Safiir cusub iyadoo ay socdaan isbeddello diblomaasiyadeed
Dowladda Turkiga ayaa u soo magacowday Ferhat Alkan inuu noqdo safiirka cusub ee u fadhin doona Soomaaliya, kaddib isbeddel diblomaasiyadeed oo ballaaran oo ay maanta ku dhawaaqday Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga.

Magacaabistan ayaa ku soo beegmaysa xilli Ankara ay sii xoojinayso dadaalladeeda ku aaddan ballaarinta joogitaankeeda iyo xiriirkeeda diblomaasiyadeed ee dalalka Afrika, Aasiya, Yurub iyo Bariga Dhexe.

Sidoo kale, Wareegtada cusub ayaa lagu magacaabay safiiro cusub oo loo dirayo dalal ay ka mid yihiin Iran, Urdun, Cumaan, Kuweyt, Kenya, Suudaan, Mozambique, Gambia, Netherlands, Kuuriyada Koonfureed iyo Iceland.

Turkiga iyo Soomaaliya ayaa leh xiriir dhow oo ku saleysan iskaashi dhinacyada siyaasadda, amniga, dhaqaalaha iyo horumarinta. Ankara ayaa weli ka mid ah saaxiibbada ugu muhiimsan ee caalamiga ah ee Muqdisho.

Labada dal ayaa sannadihii u dambeeyay sii xoojiyay iskaashigooda iyada oo loo marayo maalgashi, gargaar bani’aadamnimo, mashaariicda kaabeyaasha dhaqaalaha iyo iskaashiga dhinaca difaaca. Waxaa la filayaa in safiirka cusub uu sii ambaqaado dadaallada lagu xoojinayo xiriirka labada dal.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed