Qabadashada doorashada madaxweyne ee Koonfur Galbeed oo khilaaf dheer kadib xal laga gaaray

Khilaafkii hareeyay doorashada Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta laga gaaray xal, kaddib markii dib u dhac ku yimid khudbadihii musharraxiinta u tartamaya xilkaasi. Dadaallo ay sameeyeen hoggaanka ku meel gaarka ah ee maamulka iyo guddiga doorashooyinka ayaa suurageliyay in la xalliyo tabashooyinkii la isku hayay, waxaana caawa la qabtay fadhi ay isugu yimaadeen xubnaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed, halkaas oo saddexda musharrax ay khudbadahooda ku jeediyeen.

Galinkii hore ee maanta ayay musharraxiinta kala ah Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Cabdicasiis Maxamed Cusmaan Jawaari ku dhawaaqeen inay ka baxeen tartanka doorashada, iyagoo shuruud uga dhigay ka qayb-galkooda in musharraxa kale ee tartanka ku jira, Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), uu iska casilo xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Labada musharrax ayaa ku dooday in doorasho xor iyo xalaal ah ay u baahan tahay jawi ku dhisan caddaalad iyo sinaan, ayna adkaan karto in si siman loola tartamo musharrax weli haya xil qaran oo sare. Waxay walaac ka muujiyeen in arrintaasi saameyn ku yeelan karto hufnaanta iyo kalsoonida doorashada.

Dhinacyada siyaasadda ee ku lugta lahaa wada-hadallada ayaa sheegay in dadaallo ay sameeyeen hoggaanka maamulka iyo guddiga doorashooyinka ay horseedeen xal lagu qanciyay musharraxiinta cabashada qabay.

Guddiga doorashooyinka ayaa war uu soo saaray ku sheegay inay la wareegeen mas’uuliyadda amniga, dhexdhexaadnimada goobta doorashada iyo ilaalinta anshaxa codbixinta.

“Guddiga waxa uu ku wargelinayaa xildhibaannada in ay reeban tahay in ilo xirka codbixinta (voting booth) lala galo mobile iyo wixii la mid ah si loo ilaaliyo qarsoodiga codka si waafaqsan qodobada 3-aad iyo 56-aad ee sharciga doorashooyinka sharci Lr. 28-2024,” ayuu guddiga ku yiri war-saxaafadeedka.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Soomaaliya, Cabdikariim Axmed Xasan, ayaa sheegay in dhammaan diyaar-garowgii doorashada la soo gabagabeeyay, isla markaana si rasmi ah loo dooran doono Madaxweynaha cusub ee Koonfur Galbeed.

Saddexda musharrax ee u tartamaya xilkaasi ayaa kala ah Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo ka socda ururka Caddaaladda iyo Wadajirka, Shariif Xasan Sheekh Aadan oo matalaya ururka Horumar iyo Midnimo Qaran, iyo Cabdicasiis Maxamed Cusmaan Jawaari oo ka socda ururka Karaama. Doorashada ayaa waxaa ka qayb qaadanaya 95-ka xubnood ee Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed, inkastoo qaar ka mid ah siyaasiyiinta iyo odayaasha dhaqanka ee deegaannada maamulkaasi ay weli ka soo horjeedaan habraaca loo wajahayo doorashada.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed