Kusimaha safiirka Mareykanka & Axmed Madoobe oo arrimo xasaasi ah ka wadahadlay

Kusimaha Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Justin Davis, ayaa maanta booqasho ku tagay magaalada Kismaayo, halkaas oo uu kulan kula yeeshay Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Jubbaland, kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinaca amniga, xaaladda guud ee dalka, iyo arrimaha mudnaanta u leh amniga, xasilloonida iyo geeddi-socodka siyaasadeed ee Soomaaliya.

Kulankan ayaa kusoo aadaya xilli ay dalka ka jiraan khilaafyo siyaasadeed oo la xiriira hannaanka doorashooyinka, dib-u-eegista dastuurka iyo xiriirka u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo qaar ka mid ah dowlad-goboleedyada, sida Puntland iyo Jubbaland.

Dhanka kale, socdaalka Justin Davis ee Kismaayo ayaa dhaliyay falcelinno kala duwan, iyadoo qaar ka mid ah siyaasiyiinta iyo dadweynaha ay su’aalo ka keeneen booqashada iyo xilliga ay ku soo beegantay.

Dowladda Federaalka Soomaaliya weli kama aysan hadlin kulanka ama booqashadaasi, balse sidaan mid la mid ah ayuu socdaallo ugu tagay Garoowe iyo Hargeysa todobaadyadii la soo dhaafay, halka dhinacyada uu la kulmay ay sheegeen in laga hadlay arimo la xariira wadashayn iyo siyaasadda Soomaaliya.

Mareykanka iyo dhowr dal oo kale ayaa wada kulamo lagu dhexdhexaadinayo dhinacyada Siyaasadda Soomaalida, kadib markii ay isku fahmi waayeen habka loo qaban doono doorashada madaxtinimo ee dalka, iyaga oo wajigii ugu dambeeyey uu gaaray iska hor imaad dhiig ku daatay oo Muqdisho ka dhacay.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed