Musharraxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Cabdicasiis Maxamed Jawaari ayaa ku dhawaaqay inay ka baxeen tartanka doorashada la filayo inay qabsoonto 10-ka Juun oo berri ku aadan, iyagoo ku xiray ka qeyb-galkooda in musharraxa kale Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), inuu iska casilo xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka.
Labada musharrax ayaa sheegay in doorasho xor iyo xalaal ah ay u baahan tahay jawi ku dhisan cadaalad iyo sinaan, waxayna walaac ka muujiyeen in musharrax haya xil qaran uu isla markaana u tartamayo hoggaanka Koonfur Galbeed. Waxay ku doodeen in aysan suurtagal ahayn in si siman loola tartamo qof weli ka tirsan hay’adaha sare ee dowladda federaalka.
Sidoo kale, Shariif Xasan iyo Cabdicasiis Jawaari ayaa dhaliilay habraaca doorashada, iyagoo ka cabanaya arrimo ay ka mid yihiin adeegsiga taleefannada gacanta oo ay sheegeeen in gudaha goobta codbixinta lala galayo iyo maqnaanshaha sida ay ku doodeen ciidan amni oo dhexdhexaad ah. Waxay sheegeen in qodobadan ay saameyn karaan hufnaanta iyo kalsoonida lagu qabo geeddi-socodka doorashada.
Labada musharrax ayaa xusay inay aqbaleen hannaanka doorashada qof iyo cod, balse ay jiraan arrimo badan oo u baahan dib-u-eegis iyo sixid. Waxay sidoo kale ku eedeeyeen Dowladda Federaalka Soomaaliya inay si cad u taageereyso sida hadalka ay u dhigeen hal musharrax, taas oo ay sheegeen inay dhaawaceyso dheellitirka tartanka siyaasadeed.
Hadalkan ayaa ku soo beegmaya xilli guddiga doorashooyinka Soomaaliya uu qorsheynayo qabashada doorashada madaxweynaha Koonfur Galbeed.
Dhanka kale, war ka soo baxay Guddiga doorashooyinka Soomaaliya ayaa sheegay in xal laga gaarayo, kadib markii soo saaray warqad uu ku sheegay in arimaha amnig, Dhexdhaxaadnimada Goobta Doorashada iyo Ilaalinta Anshaxa Codbixinta ay iyagu la wreegeen, iyaga oo digniin u diray xildhibaanada maamulka.
Doorashadan ayaa daba socota dhismaha Baarlamaankii 3-aad ee Koonfur Galbeed, kaas oo lagu soo doortay nidaamka qof iyo cod, hannaankaas oo ay hore uga horyimaadeen siyaasiyiin mucaarad ah iyo maamullada Puntland iyo Jubbaland.
HBN ONLINE TV

