Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa dagaal culus oo ka dhacay deegaanno hoostaga degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo, kaas oo sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Wararka laga helayo goobaha lagu dagaallamay ayaa sheegaya in dagaalka uu dhex maray dhinacyo iska soo horjeeday, iyadoo la soo werinayo in dad isugu jira kooxaha diriray iyo shacab ay ku dhinteen halka tiro kale ay ku dhaawacmeen.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in dagaalku socday saacado badan, islamarkaana la isku adeegsaday hub kala duwan, taas oo sababtay in xaaladda amni ee Ceelwaaq ay sii xumaato, si gaar ah goobaha dirirtu ka dhacday.
Tirada hordhaca ah ayaa sheegeysa in tirada dhimashada gaartay ilaa 5 ruux, halka dhaawaca ka badan yahay. Weli xiisaadda goobaha lagu dagaallamay ayaa aad u adag wax laga ogaado, ayna tahay mid cakiran.
Ilo deegaanka ah ayaa tilmaamay in dhaawacyada loo qaaday xarumaha caafimaadka ee ku dhow goobta dagaalka si loogu fidiyo gargaar caafimaad, halka weli la qiimeynayo khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay iska horimaadka.
Mas’uuliyiinta deegaanka ayaan weli si rasmi ah uga hadlin tirada saxda ah ee dhimashada iyo dhaawaca, hase yeeshee wararka hordhaca ah ayaa muujinaya in khasaaruhu uu yahay mid culus.
Dagaalkan ayaa kusoo aadaya xilli gobolka Gedo uu marar badan martigeliyay dagaallo iyo xiisado amni oo saameeyay shacabka ku nool deegaannada kala duwan ee gobolka.
Waxaa la filayaa in saacadaha soo socda ay soo baxaan warar dheeraad ah oo ku saabsan khasaaraha rasmiga ah iyo xaaladda guud ee deegaanka uu dagaalku ka dhacay.
HBN ONLINE Tv

