Musharaxiin u taagan xilka hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo shuruud ku xiray tartanka ay doorashada ay gali doonaan

Qaar ka mid ah musharraxiinta u taagan xilka Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa shuruudo ku xiray ka qaybgalka doorashada la filayo inay dhawaan ka dhacdo maamulkaasi, iyagoo walaac ka muujiyay hannaanka loo wajahayo doorashada.

Musharraxiinta kala ah Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Cabdicasiis Maxamed Xasan (Jawaari) ayaa sheegay inay ka bixi karaan tartanka doorashada haddii uusan musharaxa kaliya ee la tartamaya Aadan Maxamed Nuur Madoobe iska casilin xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Labada musharrax ayaa ku dooday in sii haynta xilka Guddoomiyenimo ee Aadan Madoobe ay dhaawici karto sida ay ku doodeen hufnaanta, dhexdhexaadnimada iyo kalsoonida lagu qabo geeddi-socodka doorashada, maadaama uu isaguna ka mid yahay musharraxiinta u taagan xilka Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed.

Sidoo kale, musharraxiinta ayaa baaq u diray beesha caalamka iyo dhinacyada daneeya arrimaha Soomaaliya, iyagoo ka codsaday inay si dhow ula socdaan habsami u socodka doorashada. Waxay ugu baaqeen Dowladda Soomaaliya in ay si cadaalad ah u qabato doorashada, inkasta oo ay ka dhawaajiyeen madmadow siyaasadeed oo jira, kadib markii doorashadii guddoonka golaha wakillada ay u dhacday qaab ay ku tilmaameen mid cadaalad ahaan ay saluug ka muujiyeen.

Hadalkooda ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii kordhayo cadaadiska siyaasadeed ee ku xeeran doorashada, iyadoo Aadan Madoobe lagu tilmaamayo musharrax taageero ka helaya Madaxtooyada Soomaaliya.

Sida ku cad jadwad uu soo saaray guddiga doorashooyinka waxaa lagu sheegay in doorashada hoggaamiyayaha maamulka Koonfur Galbeed ay dhacdo 5-ta bisha Juun ilaa 10-ka Juun. Maalinta berri ah oo ku aadan 8-da Juun waxaa dhici doona hadal jeedinta xubnaha Musharaxiinta,

Hadda, Musharaxiinta la shaaciyay liiskooda ee u tartamaya xilka Hoggaamiyaha Koonfur-Galbeed oo Saddex musharrax ah aya a kala ah: Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo ka socda ururka Caddaalada iyo Wadajirka, Shariif Xasan Sheekh Aadan oo matalaya ururka Horumar iyo Midnimo Qaran, iyo Cabdicasiis Maxamed Cusmaan Jawaari oo ka socda ururka Karaama.

Guddiga Doorashooyinka ayaa sheegay in doorashada Hoggaamiyaha Koonfur-Galbeed ay u qabsoomi doonto si waafaqsan jadwalka, habraacyada iyo xeerarka lagu maamulayo doorashada, iyadoo dhammaan xubnaha Golaha Wakiillada, musharrixiinta, warbaahinta iyo bulshada lagu wargeliyay diyaar-garowga geeddi-socodka doorashada.

Tirada guud ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed oo ka kooban 95 gole wakiil waxaa ay ku soo bexeen doorashadii 10-kii bishaan May 2026 ka dhacday 13-ka degmo oo laga qabtay doorasho qof iyo cod ah deegaanda maamulkaais, iyaga oo noqonaya Baarlmaankii ugu horeeyey ee dowlad-goboleed Soomaaliyeed shacabku soo doortaan, wallow doorashadaasi ay ka soo horjeesteen siyaasiyiin & qaar ka mid ah odayaal dhaqameedka deegaannadaas.

Dhanka kale, magaalada Baydhabo ayaa ku jirta bandow ka soo bilowday 1-dii Bishan Juun, uuna socon doona ilaa amar dambe, kadib awaaamiir ka soo baxday Maamulka ku meelgaarka ah ee Koonfur Galbeed iyagoo sheegay in tallaabooyinkan lagu sugayo amniga doorashooyinka socda iyo badqabka shacabka.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed