Dowladda Soomaaliya oo soo saartay war si weyn kaga duwan khasaarihii Qaramada Midoobey sheegtay inay ka dhasheen dagaalkii Mucaraadka iyo DFS

Dowladda Soomaaliya oo markii ugu horreysay war ka soo saaray khasaarihii ka dhashay dagaalkii ay la gashay dabley hubaysan oo ay wateen Madaxweyne hore Shariif Sheekh Axmed iyo Ra’iisul Wasaare hore Xasan Cali Khayre, waxana warka ka soo baxay uu si weyn kaga duwan mid ay ka soo saartay Qaramada Midoobey xaaladdan.

Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa war ay soosaartay ku sheegtay in dagaalkaas uu ku dhintay hal qof halka dhaawacana uu yahay 55 kale iyada oo tacsi u dirtay ehelka dadka dhibaatada kasoo gaartay iska hor imaadkaas.

“lyadoo lagu salaynayo xogta laga helay isbitaallada iyo xarumaha caafimaadka ee ku lug lahaa gurmadka iyo daaweynta dadka waxyeelladu gaartay, tirada guud ee la diiwaangeliyey ayaa ah Dhaawacyo 55 qof iyo Dhimasho 1 qof” ayaa lagu yiri warka wasaaradda.

Sidoo kale, Xogta Dowladda Soomaaliya ayaa waxay ka duwan tahay Warbixintii dhowaan ka soo baxday Qaramada Midoobay ee lagu sheegay khasaaraha dhimashada, dhaawaca iyo dadka ka barakacay dagaalladii ka dhacay Muqdisho ee u dhaxeeyay Dowladda & xubno katirsan Mucaaradka gaaraysay 13 dhimasho iyo dhaawaca ku dhawaad 200 qof oo ay intaasi dheer tahay in ay ku barakaceen dad ku dhaw 13 kun oo degenaa Degmooyinka colaaddu saamaysay.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed