Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed iyo Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo, ayaa shir jaraa’id oo ay wadajir u qabteen ku sheegay in siyaasiyiinta mucaaradka ah ay wajahayaan cadaadis siyaasadeed iyo xannibaado ka hor imanaya dastuurka iyo nidaamka dimuqraadiga ah.
Sheekh Shariif ayaa sheegay inuu saacado badan uu la kulmay intii ku sugnaa guri uu ka dagay Degmada Cabdi-casiis, si gaar ah guri ku dhow xeebta Liido dhibaatooyin amni iyo siyaasadeed, isagoo ku eedeeyay dowladda inay adeegsanaysay ciidamo lagu cabburinayo sida uu hadalka u dhigay mucaaradka, isla markaana laga hor istaagay dhaqdhaqaaqyadiisii siyaasadeed iyo shaqadiisii caadiga ahaa ee u imaanayey.
Wuxuu sheegay in dowladdu dooneysay inay isaga disho ama bahdisho, kadib markii uu sheegay in gurigii uu ka degaan Mirinaayo si cad loo jaray dhaaman sahaydii maalinlaha ahayd.
“Waxaa la qorsheeyey in la ihaaneysto ama la idilo. Waxaa nalaga gooyey Korontadii, Biyihii, Raashinkii. Waxaa naloo diiday dadkii inoo imaanayey, waxyaabahaas oo dhan waxay ka soo horjeedaan Dastuur iyo nidaamka dimuqraadiga” ayuu yiri Shariif Sheekh.
Sidoo kale, Madaxweynihii hore ee dalka Farmaajo ayaa sheegay in dadaallo lagu doonayay xal siyaasadeed iyo arrimo bani’aadamnimo ay dowladdu hor istaagtay, isagoo ku eedeeyay madaxweyne Xasan Sheekh inuu adeegsaday sida uu ku dooday awood ciidan si loo xakameeyo mucaaradka. Labada hoggaamiye ayaa sheegay in weerar culus lagu qaaday Sheekh Shariif iyo dadkii la socday, iyadoo la adeegsaday hub kala duwan.
Farmaajo ayaa ku dooday in weerarkaasi ujeeddadiisu ahayd in la waxyeelleeyo ama la dilo madaxweynehore Shariif Sheekh, isagoo yiri: “Muddo 20 saacadood ah waxaa lagula dagaallamay Madaxweyne Shariif hubkii cadowga loogu talagalay oo nuucyadiisa kala duwan ah. Hadday tahay Beebe, Madaafiic, Dhashiikayaal, nuuc walba oo ciidanka isticmaalaan. Waxaa loola dagaallamay sidii cadowgii oo kale, waxaa loogu tala galay in halkaas lagu dilo ama markay ugu sahlan tahay lagu waxyeeleeyo.”
Wuxuu xusay Farmaajo doorkii isaga iyo Sheekh Shariif ku lahaayeen dagaalladii Muqdisho looga saaray Alshabaab xiligii ay uu Ra’iisal Wasaraha ahaa, isagoo sheegay in ciidamada iyo qalabkii loo dhisay sida uu hadalka u dhigay difaaca dalka maanta loo adeegsanayo cadaadinta siyaasiyiinta mucaaradka ah.
Eedeymahaan culus, Ilaa iyo hadda, hay’adaha ammaanka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya kama aysan jawaabin, wallow si cadaadis siyaasadeed oo gudaha ka jira uu ka shaqeeyey in xal laga gaaro dhacdooyinkii dagaallada toos ah sababay in si hoose loo xaliyo. Sidoo kale, ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay xafiiska madaxweyne Xasan Sheekh oo lagu caddeynayo ama lagu beeninayo eedeymahaas.
HBN ONLINE TV

