Booliiska gobolka Banaadir oo hub ku soo bandhigay gurigii uu deganna Sheekh Shariif

Taliska Qaybta Booliiska Gobolka Banaadir ayaa galabta degmada Cabdicasiis ku soo bandhigay hub iyo gaadiid dagaal oo ay sheegeen in laga soo saaray goob uu maalmo ka hor deganaa madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, kadib baaritaano saacado qaatay oo ka dhacay xaafadaha degmada, uuna qeyb yahay hubkan howlgal amni oo weli ka socda halkaasi.

Mahdi Cumar Muumin, Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka Banaadir ayaa sheegay in baaritaannada la xiriira hubkii loo adeegsaday dagaalladii dhawaan ka dhacay Cabdicasiis ay socdaan. Wuxuu xusay in hay’adaha ammaanku ay fashiliyeen qorshayaal uu ku tilmaamay kuwo halis ku ahaa amniga magaalada Muqdisho. Taliyaha ayaa sheegay in hubka la soo bandhigay uu isugu jiro hub culus, hub fudud iyo gaadiid dagaal.

Sida uu sheegay, waxaa ka mid ah 17 qori oo nooca PKM ah, 6 Dhashiike ah, 14 gaari, hal PTM, hal Shaamashuutar, 5 qori oo nooca Saban ah, hub AK-47 ah iyo qalab kale oo ciidan. Wuxuu sheegay in hubkan laga soo uruuriyay meelo kala duwan oo ka tirsan degmada Cabdicasiis.

Sidoo kale, Mahdi Cumar ayaa sheegay in la furayo galal dacwadeed la xiriira dhacdooyinkii amni ee ka dhacay degmooyinka Howlwadaag iyo Cabdicasiis, isla markaana aan laga hari doonin sida uu hadalka u dhigay cid kasta oo lagu helo inay ku lug lahayd. Wuxuu intaa ku daray in hubka la soo bandhigay aanu ahayn dhammaan hubkii la qabtay, balse ay jiraan hub iyo gaadiid kale oo wali lagu guda jiro uruurintooda.

Taliyaha Booliiska Gobolka Banaadir ayaa uga digay cid kasta oo isku dayda inay mar kale hub ku abaabusho ama dagaal ka huriso Muqdisho in ciidamada ammaanku tallaabo adag ka qaadi doonaan dadka ku lug yeesha falalkaas, isagoo siyaasiyiinta mucaaradka ugu baaqay inay aragtidooda ku cabbiraan hab siyaasadeed oo nabdoon kana fogaadaan sida uu carrababay adeegsiga hubka.

Ugu dambeyn, Taliyaha ayaa qofkasta haysta hubka sharci darrada ah ugu baaqay inuu si iskiis ah ugu soo wareejiyo dowladda, isagoo yiri, “Qori waqtigiisa waa dhammaaday, qofkii qori haystow intaan lagugu imaan iska keen.”

Wuxuu faray saraakiisha ciidamada ee taageeray xubnaha mucaaradka inay dib ugu laabtaan talisyadooda oo ay joojiyaan taageero kasta oo ay siinayaan dhinacyada siyaasadda ku muransan.

Dhamaadka todobaadkii hore, Taliska Booliiska Gobolka Banaadir ayaa soo bandhigay hub kala duwan oo ay sheegeen in laga qaaday ilaalada qaar kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka, kadib markii ay ku lug yeesheen dagaalka dhacay.

Goor sii horeysay oo maanta ah, war ka soo baxay Golaha mustaqbalka Soomaaliya oo ah madal ay mucaaradku ku midaysan yihiin ayaa sheegtay in Dowladda wato qorshe ka dhan iyaga, ayna ka baxday ballamihii heshiiska dagaalka. Waxay walaac ka muujiyeen waxay ugu yeereen xaaladda amni ee ka taagan Muqdisho, gaar ahaan la beegsanayo sida la hadalka loo dhigay hoyga taliyihii hore ee ciidamada xoogga dalka Janaraal Odowaa Yuusuf Raage ee degmada Cabdicasiis iyo xubno kale oo mucaaradka ah.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed