Golaha Madasha Samatabixinta ayaa walaac ka muujiyey waxay ugu yeereen xaaladda amni ee ka taagan Muqdisho, gaar ahaan wararka la xiriira dhaqdhaqaaqyo ciidan oo lagu beegsanayo sida la hadalka loo dhigay hoyga taliyihii hore ee ciidamada xoogga dalka Janaraal Odowaa Yuusuf Raage ee degmada Cabdicasiis.
War-saxaafadeed ay soo saartay madashu ayey ku sheegtay in ciidamo gaar ah oo ka tirsan Milateriga Soomaaliya iyo xubno kale oo ay sheegeen inay ka tirsan yihiin Hay’adda NISA, ay qorsheynayaan sida ay ku doodeen weerar lagu qaado hoyga Gen. Odowaa. Waxaa xusid mudan ma aanay soo bandhigin wax cadeymo ah, isna kama aanu hadlin.
Sidoo kale, bayaanka ayaa lagu eedeeyay madaxda dowladda inay beegsanayaan ganacsiyo iyo hanti gaar loo leeyahay, iyadoo Madashu cambaareysay falal ay sheegtay inay ciidamada ammaanku ku galeen hoyga Sheekh Cabdulqaadir Soomow. Madashu waxay ku tilmaantay arrimahaas kuwo sii hurin kara xiisadda siyaasadeed iyo amni ee ka jirta caasimadda.
Dhanka kale, xubnaha Mucaaradka ayaa sheegtay in dowladda ay ka baxday sida hadalka u dhigeen heshiisyo iyo dadaallo lagu doonayay dhexdhexaadin iyo xabbad-joojin, taasi oo sida ay carrabaabeen horseedi karta kororka xiisadaha, kala shakiga iyo khilaafaadka siyaasadeed. Waxay ku baaqday in la dhowro sida ay andacoodeen heshiisyadii hore loo gaaray si loo ilaaliyo nabadda Muqdisho.
Ugu dambeyn, Mucaaradk ayaa waxay mas’uuliyadda cawaaqib kasta oo ka dhasha xiisadaha jira dusha ka saartay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxayna ugu baaqdeen ciidamada qalabka sida inay ilaaliyaan waajibaadkooda dastuuriga ah kana fogaadaan ku milanka waxay ugu yeereen “arrimaha siyaasadda” si loo dhowro nabadda, midnimada iyo xasilloonida dalka.
Ilaa iyo hadda, hay’adaha ammaanka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya kama aysan jawaabin eedeymaha ay Madasha Samatabixinta u jeedisay ciidamada dowladda iyo masuuliyiinta lagu magacaabay bayaanka. Sidoo kale, ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay dowladda oo lagu caddeynayo ama lagu beeninayo eedeymahaas.
HBN ONLINE TV

