Mucaaradka Itobiya oo ay ku jirto ONLF oo ku dhawaaqay is bahaysi, diiddayna Doorashooyinkii todobaadkan

Kooxo mucaarad ah oo ka soo horjeeda dowladda Itoobiya ayaa ku dhawaaqay isbahaysi cusub oo ay ku mideysan yihiin tiro dhowr urur ah, kuwaas oo ay kamid yihiin TPLF, Fano, OLA iyo ONLF oo gobolka Soomaalida ah. Wararka ayaa sheegaya in isbahaysigan uu shir ku yeeshay gudaha Itoobiya, gaar ahaan magaalada Mekelle, iyadoo lagu sheegay in ujeedkiisu yahay sidii cadaadis siyaasadeed loogu saari lahaa dowladda uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed.

Ilo kala duwan ayaa sheegaya in Eritrea lagu tuhunsan yahay inay taageero u fidinayso isbahaysigan, kadib markii horey ay uga qayb gashay shirar ay yeesheen kooxaha mucaaradka Itoobiya, oo uu kamid ahaa kulan lagu qabtay Port Sudan. Dowladda Itoobiya weli si rasmi ah ugama aysan hadlin jiritaanka ama ujeeddooyinka isbahaysigan cusub.

Dhanka kale, Isbahaysiga Shacabka Soomaaliyeed (SPA), oo kamid ah ururrada ku jira isbahaysiga, ayna kujirto ONLF ayaa si rasmi ah u diiday natiijada doorashooyinkii Itoobiya ee Isniintii todobaadkan 1-dii bishaan Juun 2026. SPA waxay ku tilmaantay doorashooyinka kuwo aan xor iyo xalaal ahayn, isla markaana aan ka tarjumayn sida ay ku dooday rabitaanka shacabka, iyadoo sheegtay in doorashadu ku dhacday sida ay ku dooday jawi ay hareeyeen caburin siyaasadeed, cadaadis lagu hayo mucaaradka iyo tartan aan sinnayn.

Bayaan ay soo saartay ONLF oo ku jirta SPA ayay ku sheegtay in xaaladaha amni, colaadaha hubeysan, barakaca iyo kala qaybsanaanta siyaasadeed ee dalka ka jira ay wiiqeen kalsoonida doorashooyinka. Isbahaysigu wuxuu ugu baaqay Midowga Afrika, Qaramada Midoobay iyo saaxiibada kale ee caalamiga ah inay taageeraan wada-hadal qaran oo loo dhan yahay, isagoo ka digay in haddii aan xal siyaasadeed oo loo wada dhan yahay la helin ay sii kordhi karto khatarta colaado cusub oo saameeya Itoobiya iyo guud ahaan Geeska Afrika.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed