Golaha Wasiirrada maamulka Puntland ayaa maanta kulan ay ku yeesheen magaalada Garoowe ayaa si adag uga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, kadib markii ay ku eedeeyeen hoggaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya DFS inay sii qoto dheeraynayo sida hadalka loo dhigay qalalaasaha siyaasadeed iyo waxay ugu yeereen firaaqada dastuuriga ah ee dalka ka jirta.
Waxay cambaareeyeen iska hor imaadyadii hubeysnaa ee ka dhacay Muqdisho, kuwaas oo ay sheegeen inay saameeyeen shacabka iyo masuuliyiin hore oo dowladda soo hoggaamiyay. Puntland ayaa walaac ka muujisay xaaladda amni ee caasimadda iyo sida ay u saameyn karto xasilloonida dalka.
War-saxaafadeedka shirka ka soo baxay ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku eedeeyey mas’uuliyadda weerarro lagu qaaday sida hadalka dhigay guryaha Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed iyo Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Khayre. Puntland ayaa sheegtay in mas’uuliyadda wixii khasaare ah ee ka dhasha weerarradaasi uu qaadayo sida hadalk loo dhigay Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya.
Sidoo kale, Puntland ayaa ka digtay sii socoshada waxa ay ku tilmaantay weerarro, caburin, xarig iyo barakicin lagu hayo qaar kamid ah shacabka ku nool Muqdisho. Maamulka ayaa tacsi u diray dadkii waxyeelladu ka soo gaartay dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee ka dhacay caasimadda.
“Puntland oo kamid ah Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed waxay ka digaysaa sii socoshada weerarada, jajuubka, xariga iyo barakicinta uu madaxweynihii hore ku hayo Muwaadiniinta degan Magaalada Mogadisho, waxaana ka tacsiyeeynaynaa dadkii ku waxyeeloobay weerarkaasi” ayaa lagu yiri ka soo baxay Puntland.
Shirka Golaha oo uu guddoomiyey mdaxweyne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cismaan Lugtoo ayaa ugu dambeyn ku baaqay in si degdeg ah looga heshiiyo doorashooyinka hay’adaha Federaalka Soomaaliya iyo dowlad-goboleedyada waqtigoodu dhammaaday.
Puntland ayaa sheegtay in qabashada doorashooyin lagu heshiiyey ay tahay waddada ugu habboon ee looga hortagi karo sii socoshada qalalaasaha siyaasadeed iyo amni ee dalka ka jira.
HBN ONLINE TV

