Taliyaha Booliiska Gobolka Banaadir, Mahdi Cumar Muumin (Macallin Mahdi), ayaa maanta shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Muqdisho uga hadlay iska hor imaadkii shalay ka dhacay caasimadda, isagoo sidoo kale soo bandhigay hub kala duwan oo uu sheegay in laga qaaday ilaalada qaar kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka.
Taliyaha ayaa sheegay in hay’adaha ammaanku horey uga digeen tallaabooyin amniga qalqal gelin kara, isagoo xusay in Muqdisho iyo guud ahaan dalka aysan u baahnayn rabshado, hub iyo bannaanbaxyo wata falal amni darro. Wuxuu ku tilmaamay dhacdadii shalay mid lagu doonayay in lagu carqaladeeyo amniga caasimadda.
Macallin Mahdi ayaa sheegay in iska hor imaadkaasi loo adeegsaday hub culus, isla markaana ciidamada ammaanku ay la wareegeen hub iyo ciidamo uu sheegay inay ku lug lahaayeen dagaalka dhacay.
Taliyaha Booliiska Gobolka Banaadir ayaa sidoo kale diray digniin adag oo ku wajahan kooxaha hubeysan, isagoo ugu baaqay inay hubka dhigaan oo ay ka fogaadaan falal amni darro abuuri kara.
“Marnaba shalay maanta ma aha ee ka jooga oo digniinteenna qaata. Qoryihiinna soo dhiiba, dadka idiin dhiibay qoryahana kasoo taga oo shacabkiinna u tura. Marka gacanta la idinku soo dhigo cafis ma jiro,” ayuu yiri Taliyaha Booliiska Gobolka Banaadir.
Hadalka Taliyaha ayaa imanaya xilli ay magaalada Muqdisho ka taagan tahay xiisad siyaasadeed oo ka dhalatay khilaaf u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo qaar kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka, iyadoo hay’adaha ammaanku ay xoojiyeen feejignaanta amni ee caasimadda.
HBN ONLINE TV

