Xafiiska Taageerada Ku-meel-gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS) ayaa sheegay in si weyn kaga walaacsan yihiin dagaallada xalay ka qarxay magaalada Muqdisho, iyaga oo ugu baaqay dhammaan dhinacyada inay muujiyaan hoggaan mas’uuliyadeed, joojiyaan colaadda, kana fogaadaan tallaabo kasta oo khatar gelin karta nolosha dadka rayidka ah, isla markaana ay dib ugu laabtaan wada-hadal dan u ah dhammaan shacabka Soomaaliya.
Xafiisku wuxuu sheegay in dhiancyadu iska indha tireen digniinihii ay soo saareen si aan dib loogu laaban dhacdooyin la mid ah kuwii 202-ka.
“UNTMIS iyo saaxiibada caalamiga ah ayaa marar badan ka digay, iyagoo adeegsanaya war-saxaafadeedyadooda iyo kulamada ay la yeesheen daneeyayaasha, khatarta ah in dib loogu noqdo qalalaasihii dhacay sanadkii 2021 ee ka dhashay khilaafka la xiriiray hannaanka doorashooyinka. Nasiib darro, digniinahaas lama tixgelin” ayaa lagu yiri warka Qaramada midoobey.
Warka ayaa lagu sii yiri “UNTMIS waxay ugu baaqaysaa dhammaan hoggaamiyeyaasha Soomaaliyeed inay mudnaanta siiyaan danaha qaranka, isla markaana dib u bilaabaan wada-hadalladii istaagay 15-kii May”.
War saxaafadeed ayaa lagu sheegay in Beesha caalamka ay diyaar u yihiin fududeynta iyo garab istaagga wada-hadal kasta oo lagu xallinayo khilaafaadka jira.
HBN ONLINE TV

