Dowladda Soomaaliya ayaa shacabka ku wargelisay in dhammaan duulimaadyadii gudaha iyo dibadda ee qorshaysnaa maanta ee Garoonka diyaaradaha Muqdisho ay sidoodii u socdaan, kadib war adag oo ka soo baxay Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Rayidka.
War saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in qof kasta oo safar u qorshaysnaa uu bixi karo ama iman karo duulimaadyada gudaha ama caalamiga ah.
“Wasaarada Gaadiidka iyo Duulista Rayidka waxa ay shacabka Soomaaliyeed la wadaagaysaa in dhammaan duulimaadyadii qorshaysnaa maanta ee Garoonka Aadan Cabdulle 4-ta June 2026 ay sidoodii u jiraan, waxaana socda Howlihii Duulimaadyada ee Gudaha iyo Dibadda” ayaa lagu yiri warka wasaaradda.
Sidoo kale, Wasaaradda ayaa beenisay warar ay sheegtay in la isla dhexmarayo baraha bulshada oo arimaha duulimaadka ku aadan, waxayna carrabaabtay inay u cadaynayso shacabka in aysan waxba kajirin oo duulimaadyadu caadi u socdaan.
HBN ONLINE TV

