DFS oo war ka soo saartay daagalkii ka dhacay Muqdisho

Dowladda Federaalka Soomaaliya DFS ayaa si kulul u cambaareysay iska horimaadkii galabta ka dhacay degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir, kaas oo sababay rasaas laga maqlay qeybo kamid ah magaalada Muqdisho. Dowladda ayaa sheegtay in dagaalka ay ku lug lahaayeen maleeshiyaad hubeysan oo wejiyada soo duubtay kuwaas oo weerar ku qaaday xarun ay leeyihiin Ciidanka Booliska.

War-saxaafadeed ka soo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in maleeshiyaadkaasi ay adeegsanayeen hub culus, isla markaana rasaasta ay fureen ay gaartay xaafado ay degan yihiin dad rayid ah. Dowladda ayaa sidoo kale ku eedeysay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, inuu abaabulay sida hadalka ay u dhigtay kooxaha lagu eedeeyay weerarka.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si adag u cambaareyneysaa dhacdadii nasiib-darrada ahayd ee galabta ka dhacday degmada Howlwadaag ee Gobolka Banaadir, taas oo ay ku lug lahaayeen maleeshiyaad hubeysan oo wejiyada soo duubtay, kuwaasoo uu soo abaabulay Xasan Cali Khayre,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka DFS oo ay soo saartay wasaaradda warfaafinta.

Dhanka kale, Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa sheegay in iska horimaadka uu billowday kadib markii abaaro 5:00 galabnimo kooxo hubeysan oo ay ku tilmaameen maleeshiyaad ka soo horjeeda amniga iyo xasilloonida dalka ay weerar ku qaadeen goob kontorool oo ay ciidamada ku sugnaayeen. Afhayeenka Booliska, Cabdifitaax Aadan, ayaa sheegay in ciidamada ay si degdeg ah uga jawaabeen weerarka, isagoo iska fogeeyey in boolisku ahaayeen dhinicii dagaalka bilaabay.

Booliska ayaa sidoo kale sheegay in maleeshiyaadka weerarka soo qaaday ay adeegsadeen hub culus, isla markaana ay beegsadeen xarumo boolis iyo laanta dhexe ee ilaalinta canshuuraha. Taliska ayaa soo bandhigay sawirro muujinaya khasaare soo gaaray gaadiid dagaal, guryo iyo haraadiga hub la isticmaalay, inkastoo aan si madax-bannaan loo xaqiijin karin cidda adeegsatay hubkaasi.

Ilaa hadda ma jiraan faahfaahin rasmi ah oo laga bixiyay khasaaraha ka dhashay iska horimaadka ama tirada dadka lagu qabtay howlgalka.

Eedeymaha dowladda iyo warbixinta booliska ayaa imanaya xilli ay magaalada Muqdisho ka jiraan xiisad siyaasadeed oo sii kordheysa, taas oo la xiriirta mucaaradka iyo qorshayaal dibadbaxyo ah oo la filayo inay ka dhacaan caasimadda maalinta berri ah.

Isha ku haay HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed