Maraykanka oo qaaday talaabo degdeg ah saacado kadib markii ay war ka soo saartay siyaasadda ay kula dhaqmi doonto Somaliland & DFS

Dowladda Mareykanka ayaa qaaday tallaabo diblomaasiyadeed oo degdeg ah, maalin kadib markii ay warbixin rasmi ah ka soo saartay siyaasadda ay kula dhaqmeyso Somaliland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS).

Tallaabadan ayaa timid kadib kulan maanta magaalada Hargeysa ku dhexmaray Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), iyo Ku-xigeenka Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Justin Davis, waxaana la sheegay in diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dhinac ee la xiriira amniga, difaaca, amniga badda, xog-isdhaafsiga, maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha.

Sida ay sheegtay Madaxtooyada Somaliland, Madaxweyne Cirro ayaa dowladda Mareykanka u xaqiijiyay in Somaliland tahay mid nabdoon oo xasilloon, isla markaana ay tahay saaxiib lagu kalsoonaan karo.

Dhankiisa, Justin Davis ayaa muujiyay sida warbixintu xustay diyaar-garowga Washington ee lagu xoojinayo wada-shaqeynta dhinacyo kala duwan oo ay ka mid yihiin amniga, ganacsiga, macdanta, tamarta iyo kaabeyaasha dhaqaalaha.

Kulankan ayaa si gaar ah u soo jiitay indhaha siyaasadda gobolka maadaama uu dhacay wax ka yar 48 saacadood kadib markii Mareykanka ay Kongareeska u gudbisay warbixin ku saabsan xiriirka ay la leedahay Somaliland iyo fursadaha lagu ballaarin karo waxa loogu yeeray “iskaashiga labada dhinac”.

Warbixintaasi ayaa lagu sheegay in Mareykanku uu Somaliland la leeyahay xiriir wanaagsan oo wax-ku-ool ah, isla markaana uu sii wadi doono sahminta fursadaha cusub ee wada-shaqeynta. Washington ayaa sidoo kale tilmaantay muhiimadda istaraatiijiga ah ee Somaliland iyo doorka ay ku leedahay gobolka Geeska Afrika.

Si kastaba ha ahaatee, Washington ayaa mar kale si cad u xaqiijisay inay taageersan tahay midnimada iyo madaxbannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo sheegtay in dhammaan wada-shaqeynta ay la leedahay Somaliland ay ku dhacayso qaabka ay ku aqoonsan tahay Soomaaliya oo Somaliland qayb ka tahay.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed