Waxaa maanta Magaalada Muqdisho ka bilowday dadaallo dhex-dhexaadin ah oo u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya DFS iyo siyaasiyiinta mucaaradka, iyadoo ergo uu diray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ay kulamo la yeesheen qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha mucaaradka.
Ergada ayaa gaartay hoyga uu Muqdisho ka degan yahay madaxweynihii hore KMG Shariif Sheekh Axmed si ay uga wada hadlaan xiisadda siyaasadeed ee taagan. Wararka ayaa sheegaya in kulamadu diiradda saarayaan sidii loo yareyn lahaa xiisadda loogana hortagi lahaa isku dhac ka dhaca caasimadda.
Dadaalladan ayaa yimid kadib markii mucaaradku ku adkeysteen in ay 4-ta bishaan Juun oo berri ku aadan ay qabtaan dibadbax ay ku muujinayaan aragtidooda siyaasadeed, ayna dheer tahay taageridda waxay ugu yeereen “Shacabka dowladdu ka saartay guryaha danta-guud”.
Mas’uuliyiinta wada dhexdhexaadinta ayaa sheegay in ay ku howlgan yihiin sidii labada dhinac loo gaarsiin lahaa isfaham, inkastoo mucaaradku ay caddeeyeen in aysan ka tanaasuleyn qorshahooda mudaharaadka. Dowladda ayaa dhankeeda dooneysa in dibadbaxa lagu qabto goobo cayiman, halka mucaaradku ay arrintaas diidan yihiin.
Xiisadda sii kordheysa ayaa sababtay dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo laga dareemayo gudaha Muqdisho, taasoo walaac ku abuurtay shacabka. Saacadihii la soo dhaafay waxaa Muqdisho DFS ku daadisay ciidamo badan oo ka tirsan kuwa Koofiya-casta ah, iyaga oo lagu arki karo wadooyinka halbowlaha ah ee Muqdisho.
Waxaa sidoo kale isa soo taraya baaqyada lagu dalbanayo in labada dhinac ay xal nabadeed ku gaaraan khilaafka si looga fogaado rabshado ka dhaca magaalada.
HBN ONLINE TV

