Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Soomaaliya ee NISA ayaa sheegtay in howlgallo iyo duqeymo ka dhacay gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe lagu dilay tiro ka badan 50 xubnood oo ka tirsanaa Alshabaab, kuwaas oo ay ku jireen horjoogayaal sare.
NISA ayaa sheegtay in howlgaladan oo ahaa kuwo xiriir ah lagu beegsaday goobo ay ku sugnaayeen dagaalyahanno Alshabaab ah iyo xubno loo diyaarinayay weerarro qorsheysan, iyadoo bartilmaameedyada ugu waaweyn ay ahaayeen deegaannada Masaajid Cali Gaduud iyo Buq-aqable.
Howlgalka 1-aad oo ka dhacay magaalooyinka Masaajid Cali Gaduud ayaa la sheegay in lagu dilay 29 xubnood oo Alshabaab ah.
Sida ay hay’addu sheegtay, xog sirdoon ayaa muujisay in ku dhawaad 70 xubnood lagu uruuriyay meel ku dhow deegaanka Masaajid Cali Gaduud, halkaas oo lagu siinayay hub iyo saanad ciidan. Duqeyn ay iska kaashadeen ciidamada NISA iyo saaxiibada caalamka ayaa la sheegay inay halkaasi ku dileen 23 xubnood.
Howlgal kale oo ka dhacay deegaanka Buq-aqable ee gobolka Hiiraan ayaa lagu dilay dhowr dagaalyahan iyo horjooge lagu magacaabi jiray Cabdiraxmaan, oo loo yaqaanay Cabdi Mudallib, kaas oo NISA ku sheegtay inuu ahaa madaxii qaraxyada Alshabaab ee gobolka Hiiraan.
Hay’addu waxay sheegtay in horjoogahan uu ku lug lahaa qorsheynta iyo abaabulka weerarro ka dhacay degmooyinka Buulo-burte iyo Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan, iyadoo xustay in howlgalada ka dhanka ah Alshabaab ay weli ka socdaan qeybo ka mid ah gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.
HBN ONLINE TV

