Guddiga Doorashooyinka Soomaaliya ayaa caawa soo saaray jadwalka guud ee rasmiga ah ee doorashooyinka guddoonka iyo hoggaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed.
Sida ku cad jadwalka, hawlaha doorashada guddoonka golaha wakiillada Koonfur Galbeed ayaa bilaabanaya maalinta berri ah 2-da Juun 2026, iyadoo maalintaas la furayo qabashada araajida musharrixiinta iyo hubinta shuruudahooda, waxaana liiska musharrixiinta la shaacin doonaa maalinta xigta 3-da Juun, halka hadal-jeedinta musharrixiinta iyo doorashada golayaasha deegaanka la qaban doono 4-ta Juun.
Sidoo kale, doorashada hoggaamiyayaha maamulka Koonfur Galbeed ayaa bilaaban doonta 5-ta Juun, iyadoo la qabanayo araajida musharrixiinta, waxaana liiska musharrixiinta la shaacin doonaa 7-da Juun, isla maalintaasna la qaban doonaa ololaha iyo soo bandhigista musharrixiinta.
Hadal-jeedinta musharrixiinta ayaa dhici doonta 8-da Juun, halka doorashada hoggaamiyayaha Koonfur Galbeed la qaban doono 10-ka Juun, sida ku cad jadwalka guddiga doorashooyinka.
Guddiga Doorashooyinka ayaa sheegay in dhammaan howlaha doorashadu u dhici doonaan sida uu ku dooday si xor iyo xalaal ah, iyadoo la dhowrayo hufnaanta, dimuqraadiyadda iyo caddaaladda, si loo xaqiijiyo doorasho lagu kalsoonaan karo.
HBN ONLINE TV

