Jubbaland oo baaq adag ka soo saaray khilaafka siyaasadeed ee dowladda Soomaaliya kala dhexeeya, iyo arinta xaaladeed ee Gobolka Gedo

Maamulka Jubbaland ayaa ku baaqay in wadatashi iyo wada-hadal lagu wajaho xaaladda ka taagan Gobolka Gedo, xilli halkassi ay ku sugan yihiin mas’uuliyiin uu ku jiro ku xigeenka maamulkaasi Maxamuud Sayid Aaden, isaga oo eedeymo u jeediyey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Maxamuud oo sheegay in dowladda hadda jirta ay ku tiirsan tahay awood ciidan iyo hub, ayaa hadane soo dhaweeyey dadaallo uu sheegay in lagu raadinayo xal siyaasadeed oo lagu dhameeyo khilaafaadka saameynta ku yeeshay shacabka Gobolka Gedo. Wuxuu carrabaabay in maanta Soomaaliya marayso marxalado adag oo siyaasadeed, islamarkaana siyaasiyiintii hore ay ku kala aragti duwanaan jireen arrimaha dalka, balse ugu dambeyn ay dooran jireen wadahadal iyo heshiis.

“Rag hubka ka xooggan ayay la kulmeen dowladihii hore, balse ugu dambeyn waxaa la gaaray is-afgarad iyo wada noolaansho,” ayuu yiri Madaxweyne Ku-xigeenka Jubaland, isaga oo intaasi ku daray muhiimadda ay leedahay in la helo is-afgarad ay ku mideysan yihiin dhammaan dhinacyada ay khuseyso arrinta gobolka.

Sidoo kale, Maxamuud Sayid ayaa ugu baaqday baaqay in dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyadu ay ku wada shaqeeyaan wada hadal, is-qaddarin iyo fulinta waajibaadka dastuuriga ah ee u kala yaalla labada heer ee dowladda, si looga gudbo caqabadaha siyaasadeed iyo amni ee muddooyinkan soo noqnoqday ee ka jira gobolka.

Khilaafka muddada u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo maamulka Jubbaland ee ku saabsan gacan ku haynta gobolka Gedo ayaa dib u soo laba kacleeyey kadib markii maamulka halkaasi ka jira uu si cad ugu dhawaaqay inuu garab istaagayo Jubbaland, isla markaana aysan jiri karin doorasho ka dhici doonta.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed