Maamulkii hore ee koonfur galbeed oo war ka soo saaray dagaalkii shalay ka dhacay Baydhabo

Xubno ka tirsan maamulkii hore ee Koonfur Galbeed Soomaaliya  ayaa war ka soo saaray dagaalkii shalay ka dhacay Baydhabo, iyagoo si adag uga hadlay xaaladda amni ee ka jirta magaalada iyo howlgallada socda.

War-saxaafadeed ay soo saartay Wasaaraddii hore ee Amniga Gudaha Koonfur Galbeed ayaa lagu sheegay in ciidamada dowladda ee la wareegay Koonfur Galbeed ay bartilmaameed u yihiin sida hadalka ay u dhigtay hawlgallo amni oo muddo laba bilood ah ka socday deegaanno ka tirsan maamulka, ayna hadda marayaan wejigoodii ugu dambeeyay.

Sida lagu sheegay bayaanka, waxay guulo ka ka sheegatay in laga gaaray dagaalkii ka dhacay Baydhabo, iyadoo la tilmaamay in howlgaladu sii socon doonaan ilaa si buuxda loo xaqiijiyo sida hadalka loo yiri “amniga iyo xasilloonida” deegaannada Koonfur Galbeed.

Dhanka kale, xubno ka tirsan maamulkii hore ee Koonfur Galbeed ayaa sheegay inay sii wadi doonaan dhaqdhaqaaqyadooda iyo howlgalada ay ka fulinayaan Baydhabo, arrintaas oo muujinaysa in xiisadda siyaasadeed iyo tan amni ee magaalada ay weli taagan tahay.

Warkaan wuxuu imaanayaa iyada oo dowladda Soomaaliya tilmaantay in dagaalkii shalay ka dhacay magaalada Baydhabo ay ka dambeeyeen kooxda Alshabaab, ayna khasaare Dhimasho iyo dhawaac kala kulmeen.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed