Hay’adda Howlgallada Ganacsiga Badda ee militariga UK (UKMTO) ayaa xaqiijisay in markab ganacsi oo shidaal u siday dekedda Muqdisho lagu afduubtay xeebaha Bari ee Puntland. Markabka ayaa la sheegay inuu kasoo shiraacday dekedda Berbera, lagana qafaashay inta u dhaxaysa Xaafuun iyo Bandar-beyla.
Sida ay sheegtay UKMTO, markabka waxaa la rumeysan yahay inay afduubteen kooxo hubeysan oo burcadbadeed Soomaali ah. Markabkan oo laga leeyahay Pakistan ayaa siday shixnad shidaal ah, hase yeeshee lama shaacin tirada shaqaalaha saaran iyo dalalka ay kasoo jeedaan.
Afduubkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay sare u kacayaan weerarada burcadbadeedda, waxaana Bishii April oo keliya la afduubtay dhowr markab oo ay ku jiraan Honour 25 iyo Eureka oo shidaal siday, halka markabka Sward oo laga leeyahay Masar isna lagu qafaashay meel u dhow xeebaha Soomaaliya kadibna loo jiheeyay dhanka Garacad.
Khubarada amniga ayaa aaminsan in burcadbadeeddu dib u soo laba kacleeyeen, iyagoo ka faa’iideysanaya qalalaasaha ka jira Bariga Dhexe.
Inkastoo weerarradii burcadbadeedda si weyn loo yareeyay tan iyo 2012-kii, haddana wararku waxay muujinayaan in shabakadaha taageerada iyo saadka ee kooxahaasi aan weli si buuxda loo burburin.

