Maamulka Puntland ayaa walaac xooggan ka muujiyay xaaladda siyaasadeed iyo amni ee ka taagan maamullada Koonfur Galbeed iyo Galmudug, isagoo dowladda Federaalka ku eedeeyay faragelin ay ku hayso labadaas maamul.
Madaxweyne ku xigeenka Puntland, Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa sheegay in ay ka walaacsan yihiin dagaalkii saaaka ka dhacay magaalada Baydhabo, kuwaas oo uu sheegay inay u dhexeeyeen ciidamo ka tirsan Koonfur Galbeed iyo kuwa dowladda Federaalka. Wuxuu sheegay in xaaladdaasi ay dib u dhigayso dadaalladii lagu horumarinayay dowladnimada iyo nabadda.
Lugatoor ayaa sidoo kale ka hadlay xaaladda Galmudug, isagoo sheegay in Puntland ay danaynayso xasilloonida maamulkaasi maadaama ay deris yihiin. Wuxuu walaac ka muujiyay tallaabooyin uu sheegay inay dhaawici karaan nidaamka dowladnimo ee Galmudug, wuxuuna ku baaqay in khilaafaadka lagu xalliyo wada-hadal iyo doorashooyin loo dhan yahay.
Dhanka kale, Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu dalka gelinayo qalalaase siyaasadeed, isagoo ugu baaqay siyaasiyiinta iyo shacabka Soomaaliyeed inay iska kaashadaan ilaalinta dowladnimada iyo hirgelinta hannaan doorasho oo lagu wada qanacsan yahay si looga fogaado khilaaf iyo amni darro.
HBN ONLINE TV

