Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa dagaal xooggan oo saaka aroornimadii ka dhacay magaalada Baydhabo ee gobolka Baay, kadib markii ciidamo taabacsan yihiin madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen), ay weerar ku qaadeen magaalada.
Sida wararka la helayo sheegayaan, ciidamada soo galay magaalada ayaa la kulmay iska caabin xooggan oo ay kala hortageen ciidamada dowladda, gaar ahaan kuwa Qaybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in dhimasho & dhaawac uu sababay dagaalku, balse aan la xaqiijin karin tirada guud..
Sidoo kale, waxaa la sheegay in ciidamada dowladda ay gacanta ku dhigeen hub iyo gaadiid dagaal oo ay lahaayeen xubnihii weerarka soo qaaday, waxaana ku jiray gaari Cabdi-Bile ah oo uu saarnaa qori Zu-30 ah.
Ka hor inta aanu dagaalku dhicin, muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinayay ciidamo hubeysan oo sheeganayay inay gudaha u galeen Baydhabo, Hase yeeshee, wararkii ugu dambeeyay ayaa tilmaamaya in ciidamadaasi ay dib uga baxeen magaalada, islamarkaana si buuxda looga saaray gudaha Baydhabo.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in ciidamada weerarka soo qaaday ay gaareen ilaa aagga Afar Irdoodka ka hor inta aan laga hortagin.
Waxaa sidoo kale la soo wariyay in xaaladda amni ee magaalada ay hadda deggan tahay, iyadoo ciidanka dowladda ay si buuxda gacanta ugu hayaan magaalada.
Dagaalkani ayaa ku soo beegmaya xilli lagu wado in maanta la dhaariyo xildhibaannada cusub ee maamulka Koonfur Galbeed, taasoo sare u qaadday xiisadda siyaasadeed ee ka jirta deegaannada maamulkaasi.
Ilaa hadda ma jiraan ilo madax-bannaan oo si rasmi ah u xaqiijiyay tirada guud ee khasaaraha ka dhashay dagaalka labada dhinac, waxaana la filayaa in faahfaahin dheeraad ah ay soo baxdo saacadaha soo socda.
Isha ku haay HBN ONLINE TV

