Ku xigeenka wasiirka gaashaandhigga Ruushka VasilyOsmakov ayaa magaalada Moscow kulan kula yeeshay wasiiru dowlaha gaashaandhiggaSoomaaliya Cumar Cali Cabdi, iyadoo labada dhinac ay ka wada hadleensuurtagalnimada iskaashi militari iyo amni oo dhexmara labada dal, sida aysheegtay wasaaradda difaaca Ruushka.
Bayaan kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay inwada hadalladu diiradda saareen dhinacyada muhiimka ah ee iskaashiga labageesoodka ah ee difaaca, iyadoo labada dhinac ay xaqiijiyeen sida ay uga go’antahay horumarinta wada hadal wax ku ool ah iyo xoojinta xiriirka militariga sitartiib tartiib ah.
Warbixinnada ayaa sheegaya in kulanka looga hadlaytababarrada ciidamada, la dagaallanka kooxaha argagixisada iyo iskaashigadhinacyada farsamada militariga.
Sawirro lagu baahiyay warbaahinta Ruushka ayaamuujinayay saraakiil militari oo labada dal ka kala socday oo wada hadallorasmi ah ku leh mid ka mid ah xarumaha Wasaaradda Gaashaandhiga Ruushka oo kutaalla Moscow.
Horaantii bishan May, safiirka Ruushka ee SoomaaliyaMikhail Golovanov ayaa sidoo kale wada hadal la yeeshay Madaxweynaha SoomaaliyaXasan Sheekh Maxamuud, iyadoo madaxweynaha uu xaqiijiyay ka qeybgalkashirweynaha saddexaad ee Ruushka iyo Afrika ee dhacaya October 2026.
HBN ONLINE TV

