Shir degdeg ah oo ay maanta Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliya la yeesheen hoggaanka iyo saraakiisha ciidamada ammaanka ayaa looga hadlay xaaladda amni ee magaalada Mogadishu, iyadoo saraakiisha lagu faray inay muujiyaan feejignaan dheeri ah si looga hortago fal kasta oo lid ku ah amniga.
Kulanka oo uu shir guddoominayay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Asad Cisman Cabdullaahi, ayaa lagu sheegay in diiradda saaray sugidda amniga inta lagu guda jiro maalmaha Ciidda, gaar ahaan goobaha cibaadada, isu socodka shacabka iyo meelaha damaashaadka lagu qabto.
Dhanka kale, hay’adaha ammaanka Gobolka Banaadir ayaa ka digay bannaanbaxyo ay ku tilmaameen kuwo hubeysan oo la sheegay inay ka dhacaan Muqdisho, xilli ay sare u sii kacayaan xiisadaha siyaasadeed iyo feejignaanta amni ee caasimadda.
HBN ONLINE TV

