Malaayiin Muslimiin ah oo boqolaal Soomaali ah ka mid tahay oo isugu soo baxay Carafo maalinta ugu weyn ee Xajka

In ka badan 2.5 milyan oo Muslimiin ah ayaa maanta isugu yimid bannaanka buurta Carafo si ay u gutaan mid kamid ah shanta rugni ee Islaamka, taas oo loo arko heerka ugu sarreeya ee cibaadada sannadlaha ah ee Muslimiinta caalamka.

Dadka halkaasi ku sugan waxaa kamid ah boqolaal ruux oo Soomaaliyeed oo sanadkan fursad u helay inay gutaan waajibaadka Xajka, iyaga oo ku biiray malaayiinta Muslimiinta ah ee ka kala yimid daafaha caalamka.

Xujeyda maanta ayaa ka soo dhaqaaqay Mecca iyo goobaha kale ee barakeysan, iyadoo maamulka Sacuudiga uu hirgeliyay qorsheyaal adag oo la xiriira gaadiidka, ammaanka iyo hagidda dadka tirada badan ee sanadkan Xajka gudanaya.

Maalinta Carafo ayaa ah ku jirta maalmaha ugu badan ee gudashada Xajka, halkaas oo Muslimiintu ay ku bixiyaan waqti dheer oo duco, cibaado iyo Alle bari ah, iyagoo raadinaya dembi dhaaf iyo naxariis ay waydiistaan Alle.

Mas’uuliyiinta Sacuudiga ayaa sheegay in isu socodka xujeyda uu u dhacay si nidaamsan, iyadoo la adkeeyay adeegyada caafimaadka iyo ammaanka si looga hortago ciriiri iyo qalalaase.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed