Xubnaha siyaasiyiinta mucaaradka Soomaaliya ayaa maanta shir xasaasi ah kula yeeshay magaalada Mogadishu qaar kamid ah odayaasha dhaqanka dalka, iyadoo kulanka diiradda lagu saaray xaaladda muran siyaasadeed iyo khilaaf ee ka taagan hannaanka doorashooyinka.
Odayaasha dhaqanka ayaa sheegay in dadaalladii lagu doonayay in lagu dhexdhexaadiyo dowladda iyo mucaaradka ay guul-darreysteen, kadib wada-hadallo hore oo ay dhinacyada kula yeesheen Muqdisho. Kulamadaasi ayaa qeyb ka ahaa sida la sheegay isku dayo ay wadeen waxgarad, ururrada rayidka ah iyo ergooyin ka socday beesha caalamka.
Labadii maalmood ee la soo dhaafay, Muqdisho waxaa ka dhacay dibadbaxyo iska soo horjeeda oo ay kala abaabuleen dowladda iyo mucaaradka. Dibadbaxii mucaaradka ayaa waxaa ka soo muuqday ciidamo hubeysan oo ilaalinayay banaanbaxayaasha, taas oo sare u qaaday walaaca laga qabo xaaladda siyaasadeed iyo amni ee caasimadda, sida ay dowladdu sheegtay.
Saraakiisha ammaanka dowladda ayaa digniin u diray mucaaradka, iyagoo sheegay inay tallaabo adag ka qaadi doonaan cid kasta oo isku dayda inay qalqal geliso amniga magaalada.
Sidoo kale, Xildhibaan Cabdirahman Cabdishakur Warsame oo ka hadlay kulanka dhex maray mucaaradka iyo waxgaradka ayaa sheegay in aysan wax natiijo ah ka soo bixin dadaalladii lagu doonayay xal siyaasadeed. Wuxuu ka digay in la diido banaanbaxooda, halka kuwa la ilaalinayo ay dowladdu marwalba soo bandhigayso, si gaar ah xiliyada habeenkii.
Ma jiro wax war ah oo dhanka dawlada ka soo baxay oo ku aadan dhexdhexaadintan iyo warka ka soo yeeray odayaasha oo la xiriira in lagu guuldarraystay waanwaantii la waday
HBN ONLINE TV

