Banaanbax lagu taageerayo amniga caasimadda Soomaaliya ayaa caawa ka dhacay Mogadishu, gaar ahaan Isgoyska Taleex ee bartamaha magaalada, halkaas oo ay isugu soo baxeen dadweyne wata calanka Soomaaliya iyo boorar ay ku qornaayeen fariimo lagu taageerayo dowladda iyo ciidamada ammaanka.
Isu soo baxan oo ay soo qaban qaabisay dowladda Soomaaliya ayaa ka dhacay waddada Taleex KM4 oo muddooyinkii dambe noqotay goob lagu qabto munaasabado iyo kulamo habeenkii ah oo ay dowladdu abaabusho. Dadka ka qeyb galay banaanbaxa ayaa muujiyay taageerada ay u hayaan dadaallada lagu sugayo amniga caasimadda.
Banaanbaxan ayaa ku soo aadaya xilli saacado ka hor ciidamada ammaanka ay kala eryeen banaanbax kale oo kooban oo ka dhacay Isgoyska Soobe KM5, kadib markii halkaasi ay isugu yimaadeen dad watay boorar ay ku qornaayeen ereyo ka dhan ah dowladda Soomaaliya.
Ciidamada ammaanka ayaa xakameeyay dibadbaxayaashaasi, iyagoo ka hortagay in isu soo baxoodu ku fido waddooyinka kale ee magaalada, waxaana ilo madaxbanaan sheegeen in ay ku lug lahaayeen Siyaasiyiinta Mucaaradka.
Xiisadda siyaasadeed iyo dhaqdhaqaaqyada banaanbaxyada ee Muqdisho ayaa maalmihii u dambeeyay si weyn loo hadal hayay, iyadoo dowladda iyo mucaaradku ay isku hayaaan arrimo la xiriira siyaasadda iyo doorashooyinka dalka.
HBN ONLINE TV

