Warbixin uu daabacay wargeyska The Telegraph oo looga dhigay ciwaan “Britain oo ka haraysa loollanka cusub ee Afrika” ayaa Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro wuxuu ku eedeeyay Boqortooyada UK inay adeegsato siyaasad laba-wejiileyn ah oo ku saabsan aqoonsiga Somaliland.
Cirro ayaa sheegay in Somaliland ay buuxisay dhammaan shuruudaha looga baahan yahay dowladnimo sida ku cad heshiiska caalamiga ah ee Montevideo, balse Falastiin oo si caalami ah loo aqoonsaday aysan weli buuxin shuruudahaas.
Heshiiska Montevideo ayaa dhigaya afar shuruudood oo aasaasi u ah dowladnimo, kuwaas oo kala ah: dad joogto ah, dhul cayiman, dowlad shaqeysa, iyo awood ay xiriir caalami ah ula sameyn karto dowladaha kale.
Cabdiraxmaan Cirro ayaa sheegay in Somaliland ay muddo dheer lahayd nidaam dowladeed oo shaqeynaya, doorashooyin iyo hay’ado dowladeed oo rasmi ah, balse wali aysan helin aqoonsi caalami ah.
Dhinaca kale, wargeyska The Telegraph ayaa sheegay in toddobaadkan ay 50 askari oo ka tirsan ciidamada gaarka ah ee Somaliland ay dib uga soo laabteen tababar loogu qaaday magaalada Tel Aviv.
Munaasabad lagu qabtay Hargeisa maalintii Talaadada, wafdi ka socday Israa’iil ayaa Madaxweynaha Somaliland guddoonsiiyay qayb ka mid ah gantaalka difaaca hawada ee Iron Dome, taas oo astaan u ah difaaca magaalada Qudus.
HBN ONLINE TV

