Xisbiga Nabad & Nolol oo ka falceliyey dhalinyaro dibadbax ka dhigay Muqdisho oo xabsiga la dhigay

Saacadihii la soo dhaafay waxaa hay’addaha ammaanka gobolka Banaadir ay xabsiga dhigeen tiro dhalin yaro ah, kadib markii ay sameyeen banaanbax, ayna dowladdu ku tilmaantay rabshado iyo kicin.

Taliska Qaybta Guud ee Booliska gobolka Banaadir oo warsaxaafadeed ka soo saaray dhalinyaradaan dhigayay dibadbaxa cabashada ahaa ayaa sheegay in dhalinyarada la qabtay ay ku lug lahaayeen falal abaabulan oo rabshado iyo saxmad looga sameeyay goobaha hubinta amniga, isla markaana ay carqaladeeyeen sida hadalka loo dhigay isu socodka shacabka iyo gaadiidka. Taliska ayaa xusay in ciidamada ammaanku ay gacanta ku dhigeen dhalinyaradaasi kadib markii ay abuureen sida uu ku andacooday qalqal amni.

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in baaritaanno hordhac ah ay ku socdaan dadka la xiray, isla markaana si deg-deg ah loo horgeyn doono maxkamadda awoodda u leh.

Booliska ayaa intaa ku daray in hay’adaha ammaanku ay wali baadi goobayaan shaqsiyaad kale oo lagu tuhunsan yahay inay ku lug lahaayeen abaabulka dibadbaxyada.

Sidoo kale, Booliska ayaa shacabka uga digay ka qeybgalka bannaanbaxyo lagu tilmaamay kuwo aan sharciyeysneyn, iyagoo carrabaabay in aan la ogoleyn isu imaatin aan fasax rasmi ah looga haysan hay’adaha ammaanka.

Dhanka kale, war saxaafadeed ka soo baxay xafiiska madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu eedeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu awood ciidan u adeegsanayo, sida cabsi-gelin, xarig iyo handadaad lagu aamusinayo dhalinyarada ka cabaneysa wax loogu yeeray muddo kororsi, musuqmaasuq iyo xaaladda siyaasadeed ee dalka.

Farmaajo ayaa sheegay in dhalinyarada Soomaaliyeed ay xaq dastuuri ah u leeyihiin inay cabashadooda muujiyaan, isagoo ku baaqay in la ilaaliyo xorriyadda hadalka iyo xuquuqda muwaadiniinta.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed