Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegtay in duqeyn ka dhacday deegaanka Ugunji ee gobolka Shabeellaha Hoose oo lagu beegsaday maleeshiyaad ka tirsan koooxda Alshabaab, halkaasi oo lagu tiro xubno ah.
War saxaafadeed ay wasaaraddu soo saartay ayaa lagu sheegay in duqeynta oo ay fuliyeen saaxibadda Soomaaliya inuu haleelay xubno kooxda ah oo isku aruursanayay deegaanka si ay u abaabulaan sida hadalka loo dhigay weerarro iyo falal amni darro oo ka dhan ah shacabka.
Duqeynta ayaa lagu dilay 6 xubnood oo Alshabaab ah, iyadoo sidoo kale lagu burburiyay hub iyo agab militari oo ay kooxdaasi adeegsaneysay, sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka.
Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga ayaa sheegay in la sii xoojin doono howlgallada ka dhanka ah Alshabaab, si looga saaro goobaha ay ku dhuumaaleysanayaan, waxayna mar kale ku celiyeen in howlgalada socda ay qeyb ka yihiin dadaallada lagu ciribtirayo kooxaha loogu yeero Khawaarijta.
HBN ONLINE TV

