Madaxweynaha Soomalaiya Xasan Sheekh Maxamuud oo wada hadal khadka taleefanka ah la yeeshay Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta, Axmed Abuu Al-Qayd ayaa looga hadlay xaaladda Soomaaliya iyo faragelinta Israel ee gobolka Geeska Afrika.
Labada dhinac ayaa si gaar ah diiradda u saaray khataraha ka dhalan kara waxa ay ku tilmaameen faragelinta Israel ee gobolka, iyo saameynta ay ku yeelan karto amniga, xasilloonida iyo midnimada dalalka Geeska Afrika.
Sidoo kale, labada mas’uul ayaa cambaareeyay qorshaha Somaliland ay safaarad kaga furanayso magaalada Quddus ee la haysto, iyagoo ku tilmaamay tallaabadaasi mid sharci ahaan aan sax ahayn isla markaana dhaawaceysa dareenka Muslimiinta iyo Carabta.
sidoo kale, Wadahadalka ayaa lagu adkeeyay muhiimadda ay leedahay mideynta dadaallada lagu ilaalinayo madaxbannaanida Soomaaliya iyo xasilloonida gobolka.
Dhankiisa, Aboul Gheit ayaa xaqiijiyay in Jaamacadda Carabta ay sii wadi doonto taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada ilaalinta midnimada dhuleed, dowladnimada iyo xasilloonida siyaasadeed ee dalka.
Saacadihii la soo dhaafay, warar ay soo saareen ururada Jaamacadda Carabta iyo Islaamka OIC ayaa si adag looga hor yimid qorshaha lagu dhisayo safaaradda Somaliland ee Qudus.
HBN ONLINE TV

