Hay’adaha ammaanka Soomaaliya oo awaamiir iyo digniin culus dul dhigay goobaha lagu dayactiro gaadiidka

Shir maanta ay isugu yimaadeen Muqdisho hay’addaha ammaanka, si gaar Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa lagu soo saaray amarro adag oo digniin ah oo lagu beegsanayo xarumaha lagu hagaajiyo gaadiidka, gaar ahaan kuwa ku yaalla caasimadda.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya, Sarreeye Guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi, oo guddoomiyay kulan toddobaadle ah oo ay isugu yimaadeen hoggaannada, qaybaha iyo fadhiyada madaxa-bannaan ee Booliska ayaa lagu dhagaystay warbixinno ka yimid Hoggaanka CID-da iyo Qeybta Guud ee Gobolka Banaadir.

Kulanka markii uu soo dhamaaday ayaa warka kooban oo ka soo baxay taliska Booliska lagu sheegay iin milkiilayaasha goobaha lagu dayactiro gaadiidka aysan wax shaqo ah ka qaban karin gaadiidka ku lambaraysan lambarka gaarka ah ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

“Kulanka ayaa awaamiir culus la duldhigay mulkiilayaasha iskaleh xarumaha lagu hagaajiyo gawaarida in aysan wax shaqo ah ka qaban gawaarida ku lambaraysan lambarka u gaarka ah Ciidanka Boliiska haddii ay taasi dhacdana talaabo sharciga waafaqsan laga qaadayo xarumaha lagu helo” ayuu yiri warkaan oo ka soo baxay Taliska Booliska Soomaaliya.

Taliska ayaa sheegay in cid kasta oo jebisa amarkan ay wajihi doonto tallaabo sharci ah oo adag, isla markaana laga qaadi doono xarumaha lagu helo ku xadgudubka amarkaasi.

Amarkan ayaa ku soo aadaya iyaga oo howlgallo qorsheysay qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo ammaanka caasimadda iyo ka hortagga isticmaalka gaadiidka laga shakiyo.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed