Waxaa faahfaahino dheeraad ah ka soo baxaysaa howlgallo qorsheysan oo duqeyn ah oo laga fuliyay deegaanno hoos yimaada degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, halkaasi oo lagu beegsaday ku dhawad 30 xubnood ka tirsan kooxda Alshabaab.
War saxaafadeed ka soo baxay Hay’adda Sirdoonka NISA ee Soomaaliya ayaa sheegtay in iyada oo la kaashanayo saaxiibada caalamiga ah howlgallo duqeyn oo ka dhacay dhowr deegaan oo hoostaga Maxaas lagu dilay in ka badan 26 xubnood oo ay ku jiraan kooxda, sidoo kalena lagu burburiyay fariisimo, teendhooyin, guryo iyo xarumo lagu keydiyo hub iyo gaadiid ay Alshabaab u adeegsaneysay abaabulka iyo weerarro ay qorsheynayeen.
Howlgalka koowaad oo ka dhacay nawaaxiga degmada Maxaas ayaa lagu beegsaday maleeshiyaad isku uruursanayay isgoyska Madaxya-weyn, waxaana lagu dilay 14 xubnood, iyadoo sidoo kale la gubay sida bayaanka NISA lagu sheegay teendhooyin iyo gabbaadyo ay ku dhuumanayeen.
Dhanka kale, howlgal ka dhacay deegaanka Mukayle ayaa lagu burburiyay fariisimo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Alshabaab, gaar ahaan kuwa lagu sheegay inay ka shaqeynayeen sida warka loo dhigay dabagalka iyo dhibaateynta shacabka. NISA ayaa sheegtay in halkaas lagu dilay 9 xubnood, oo uu ku jiray ku xigeenkii deegaanka Mukayle ee kooxda, halka 16 kalena lagu dhaawacay.
Sidoo kale, howlgal kale oo ka dhacay deegaanka Shaw ayaa la sheegay in lagu burburiyay xarumo lagu keydiyo laguna dayactiro hubka iyo gaari nooca Hoomeyda ah, iyadoo isla goobtaas lagu dilay 3 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab, waxayna hay’addu sheegtay in howlgalladan ay qayb ka yihiin dadaallada lagu wiiqayo awoodda Alshabaab iyo sugidda amniga shacabka.
HBN ONLINE TV

