Xubnaha siyaasiyiinta mucaaradka Soomaaliya oo maanta warbaahinta kulan hadlay magaalada Muqdisho ayaa soo saaray go’aamo la xiriira xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo marxaladda kala guurka ah ee Soomaaliya gashay.
Siyaasiyiinta mucaaradka oo markii 3-aad Muqdisho ka icmaalmiyey banabax dadweyne wax ka yar 25 maalmood ayaa sheegay in 4-ta bisha soo socota June la isugu soo baxo muddo-horaadyo joogto maalinkaasi ka bilaaban doono oo joogto ah.
“Waxaa ku baaqaynaa banaanbax Nabadeed oo la isugu soo baxo 4-ta bisha June, maalin khamiis ah. Waa maalin walba oo khmiis ah, waa soconaayaa inta laga gaaraayo in dalkan loo sandhigo in doorasho heshiis laga yahay. Qof walba oo rabta xaquuqdiisa inay muujiso la soo baxdo dareenka shacuurtooda inay banaanka u soo baxaa” ayuu yiri Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Khayre oo goobta ka hadlay.
Wuxuu sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu si sharci darro ah ku joogo sida uu hadalka u dhigay madaxtooyada dalka, isla markaana aysan aqoonsaneyn inuu weli yahay madaxweyne, uuna dhamaaday muddo xileedkiisii dastuuriga ahaa.
Sidoo kale, Khayre ayaa sheegay in dalka lagu maamulo sharci iyo nidaam ku dhisan rabitaanka shacabka Soomaaliyeed, isagoo ku dooday in waqtigii loo igmaday Madaxweyne uu dhammaaday.
“Nin sharci darada Villa Soomaliya ku degan wakhtigaagii waa dhamaaday” ayuu yiri markale Khayre.
Wuxuu walaac xooggan ka muujiyay xaaladda siyaasadeed ee dalka, isagoo tilmaamay in Soomaaliya aysan horay u gelin marxalad sidan u cakiran.
Dhanka kale, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo isna goobta ka halday awooda dowlada ayaa si cad u sheegay in wax doorasho ah laga qaban karin maamullada Hirshabeelle iyo Galmudug, lana dhaafi karin talada Mucaaradka.
“Doorasho aan anaga taladeeda wax ku lahayn Galmudug iyo Hirshabeelle lagama qaban karo, haddii la qabtane wixii ka dhaca masuuliyadeeda isagaa qaadaayaa” ayuu yiri xildhibaan Cabdiraxmaan.
Ugu dambeyn, mucaaradka ayaa ugu baaqay shacabka inay ka hortagaan waxay ku tilmaameen khatar ka dhalan karta rabitaanka shaqsiyadeed ee madaxda Villa Soomaaliya, xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka siyaasadeed ee ka taagan doorashooyinka iyo muddo xileedka dowladda.
HBN ONLINE TV

