Somaliland oo sheegtay in safaaradeeda Israa’iil ka furanayso magaalada Qudus

Xukuumadda Somaliland ayaa shaacisay inay safaaraddeedii ugu horreysay ka furan doonto magaalada Qudus ee la haysto, Israa’iilna looga yaqaan Jerusalem, halka Israa’iil ay iyaduna safaarad ka furan doonto magaalada Hargeysa, sida uu sheegay safiirka Somaliland ee Israa’iil Maxamed Xaaj.

Maxamed Xaaji ayaa sheegay in tallaabadan ay ka tarjumeyso sida uu yiri xiriirka sii xoogeysanaya, iskaashiga iyo is-ixtiraamka u dhexeeya labada dhinac.

Wuxuu xusay in safaaradda Somaliland ee magaalada Qudus la filayo in dhawaan si rasmi ah loo furo.

Safiirka ayaa qoraal kooban oo uu ku baahiyay baraha bulshada ku sheegay inuu ku faraxsan yahay furitaanka safaaradda Somaliland ee Qudus, isaga oo tilmaamay in sidoo kale Israa’iil ay safaarad ka furan doonto Hargeysa, taasoo uu ku tilmaamay astaan muujinaysa saaxiibtinimada iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee labada dhinac.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed