Dowladda Soomalaiya ayaa sheegay in ay wado dadaallo iyo xiriirro xooggan oo lagu dedejinayo sii deynta badmaaxiin u dhalay dalka Masar oo lala afduubtay markabka shidaalka qaada ee M/T Eureka.
Safiirka Soomaaliya ee Masar ahna ergeyga joogtada ah ee Jaamacadda Carabta, Cali Cabdi Awaare oo ay soo xigatay warbaahinta dowladda Soomalaiya ayaa shaaciyey inay socdaan wada-shaqeyn iyo dhaq-dhaqaaqyo heerar kala duwan ah si loo xaqiijiyo badqabkooda iyo inay si degdeg ah ugu laabtaan dalkooda muwadiniin masaari ah oo kooxo burcad badeed Soomaaliyeed ay afduubteen.
Hadalkan ayuu safiirku sheegay xilli uu kulan la yeeshay kaaliyaha wasiirka arrimaha dibadda Masar ee arrimaha Afrika, Karim Sherif, wuxuuna tilmaamay in Muqdisho ay si weyn u danaynayso arrintan, isla markaana ay waddo xiriirro heer sare ah oo lala leeyahay dhinacyada ay khusayso si loo xalliyo dhibaatada, loona soo afjaro afduubka.
Sidoo kale, Safiir ayaa adkeeyay muhiimadda ay Soomaaliya siinayso xoojinta iskaashiga iyo wada-shaqeynta ay la leedahay Masar, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo badaha, isaga oo hoosta ka xariiqay in ay muhiim tahay in dowladaha ku teedsan Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed ay iska kaashadaan la tacaalidda caqabadaha wadajirka ah iyo sugidda amniga iyo xasilloonida gobolka.
Dhanka kale, Awaare ayaa uga mahadceliyay Masar taageerada ay siiso midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, iyo doorka ay ka qaadaneyso taageeridda hay’adaha dowladda Soomaaliya, la dagaallanka argagixisada, iyo xoojinta nabadda iyo horumarka dalka.
HBN ONLINE TV

