Dowladda Soomaaliya oo sheegtay inay dabooshay lacag malaayiin dollar ah oo ku korortay qiimaha Xujayda sanadkan

Dowladda Federaalka ayaa sheegtay inay dabooltay ku dhwaad $4 milyan oo dollar oo ku korortay qiimaha tikitka xujeyda Soomaaliyeed ee sanadkan, kadib sicir barar ku yimid gaaskii diyaaradaha oo saameyn ku yeeshay dalal badan oo Islaamka ah.

Kororka qiimaha shidaalka oo la xiriira xaaladaha ka taagan Bariga Dhexe ayaa sababay in sanadkan qiimaha xajka uu kordho, iyadoo xaaji walba lagu kordhiyay lacag ka badan 300 oo dollar marka loo eego sanadihii hore.

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay inay bixiasay $3.6 Milyan oo doollar ayaa tilmaamay in talaabadani ay ku aadanayd siyaasadda Xukuumadda ee ku aaddan in la helo Xaj qiimihiisu jaban yahay, isla markaana adeegiisu wanaagsan yahay, si loo yareeyo culayska dhaqaale ee saaran shacabka Soomaaliyeed ee gudanaya waajibaadka Xajka.

Guddoomiyaha Xamladaha Shirkadaha Xajka ee Soomaaliya, Cali Maxamed Faarax ayaa faahfaahin ka bixiyay sida dowladda iyo shirkadaha xajka ay uga wada shaqeeyeen xallinta kororka ku yimid kharashaadka safarka iyo adeegyada xujeyda.

Mas’uuliyiinta ayaa sidoo kale sheegay in dadaallada socda ay yihiin kuwo lagu xaqiijinayo in xujeyda Soomaaliyeed ay helaan adeeg tayo leh, amni iyo fududeyn inta lagu guda jiro safarkooda barakeysan ee Xajka.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed