Soomaaliya & Turkiga oo kulan ka yeeshay dhismaha awoodda difaaca Ciidamada xoogga dalka

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya, Alper Aktaş, oo uu wehliyo Taliyaha TÜRKSOM Sarreeye Gaas Sebahattin Kalkan iyo saraakiil kale.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga milatari ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, gaar ahaan tababarrada ciidamada, dhismaha awoodda difaaca iyo horumarinta xiriirka istiraatiijiyadeed ee labada dal.

Wasiir Fiqi ayaa dowladda Turkiga uga mahadceliyay taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, dib u dhiska ciidamada iyo la dagaallanka argagixisada, isaga oo xusay in iskaashiga labada dal uu door weyn ka qaadanayo xasillinta dalka iyo tayeynta ciidamada qalabka sida.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa sheegay inay jiraan kooxo kasoo horjeeda dowlad-dhiska Soomaaliya oo dhibsanaya xiriirka sii xoogeysanaya ee Soomaaliya iyo Turkiga. Kulanka waxaa goob-joog ka ahaa Taliyaha Ciidanka Dhulka iyo mas’uuliyiin kale oo labada dhinac ka socday.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed